October 17, 2024

Xidig TV

Baadhitaanka balaadhan ee COVID-19 ee gobolka Minnesota oo sii socon doona weekga bilaaban doona October 26,2020

Baadhitaanka  oo horay looga soo qabtay magaalooyinka sida St Cloud oo dadwaynaha dhammaan ay tagi karaan si ay iskaga soo baadhaan COVID-19 waxaa laga sii wadi doonaa  asbuuca soo socda magaalooyinka  Tyler, Madison, Waconia , little falls iyo red wing.

Wazaarada caafimaadka ee gobolka Minnesota waxay sii wadi doontaa baadhitaanka balaadhan ee COVID-19 si dadku ay u helaan baadhitaan fudud asbuucii  lixaad ee lagu fidinayo baadhitaanada noocan oo kale magalloyinka qaar.

Wazaarada caafimaadka ee gobolka waxay si wanaagsan ula shaqaynaysaa saraakiisha caafimaadka dadweynaha ee deegaanada  iyo ururada arimaha bulshada kashaqeeya  si dad waynaha fursad loogu siiyo  in ay iska baadhaan  COVID-19 weekga bilaaban doona October 26.

Caabuqa COVID-19 faafidiisu waa ay  sii badanaysaa sida uu sheegay Commisionerka wazaarada caafimaadka ee gobolka . waxaana uu yiri qofwalba oo reer Minnesota ah waxa looga baahan yahay in uu ku dadaalo sidii dadka kale uu uga badbaadin lahaa caabuqan xalkuna waa mid aan u baahnayn kharashaad badan iyo technolojiyad casri ah . waxaa laiskaga baahan yahay ayaa ah oo kaliya in aad isku jirstaan ilaa 6 feet, xidhataan mask ama af dabool , gacmaha dhaqataan, guriga joogtaan marka aad xanuun dareentaan iyo in aad iska baadhtaan caabuqa COVID-19.

Qofwalba oo doonaya in laga baadho COVID-19  waxa lagu dhiiri galinayaa in uu imaado iskana baadho COVID-19. Wax caymis ah ama aqoonsi oo laiskaga baahan yahay malahan. Si uunan wakhti badan kaaga lumin. Fadlan wakhti hore isa sii diwaangeli.

Baadhitaanka COVID-19 waxa laga fulin doona asbuuca soo socda afartan goobood.

Tyler
Talaado, Oct. 27
12 to 6 p.m.
The Rock Christian Youth Center
148 N Tyler St
Tyler, MN  56178
Tyler Community COVID-19 Testing: Schedule Appointment

Madison
Khamiis, Oct. 29
12 to 6 p.m.
Armory
504 3rd St
Madison, MN  56256
Madison Community COVID-19 Testing: Schedule Appointment

Waconia
Talaado, Oct. 27; Arbaco, Oct. 28; Khamiis, Oct. 29
12 to 6 p.m.
Lake Waconia Event Center
8155 Paradise Ln
Waconia, MN  55387
Waconia Community COVID-19 Testing: Schedule Appointment

Little Falls
Talaado, Oct. 27; Arbaco, Oct. 28; Khamiis, Oct. 29
12 to 6 p.m.
Bethel Lutheran Church
901 Broadway W
Little Falls, MN 56345
Little Falls Community COVID-19 Testing: Schedule Appointment

Red Wing
Talaado, Oct. 27; Arbaco, Oct. 28; Khamiis, Oct. 29
12 to 6 p.m.
Colvill Courtyard Building (Colvill Park)
515 Nymphara Ln
Red Wing, MN  55066
Red Wing Community COVID-19 Testing: Schedule Appointment

Wixii macluumaad dheeri ah  iyo sida aad balan kuqabsan kartid fadlan booqo COVID-19 Community Testing webpage.

Cabdi Ibrahim,

St Cloud, MN

 

 

 

About Author

Skip to content