October 17, 2024

Xidig TV

Maamulka Sauk Rapids ayaa laga yaabaa inay kordhiso heerka canshuurta ilaa 3.6% ee sanadka 2022

Golaha concilka Magaalada Sauk Rapids ayaa la filayaa inay ansixiyaan miisaaniyadda horudhaca ah ee magaalada ee Sanadka 2022 -ka iyo canshuuraha oo la qorshaeynayo in la shaaciyo habeenka Isniinta iyada oo la filayo in heerka canshuurtu uu kor u kaco 3.6% iyo miisaaniyadda guud ee Dhaqaalaha 2022 oo lagu wado in u kor u kacayso $ 416,600, ilaa $ 6,944,300.

Canshuurta la soo jeediyay ayaa kor u kici doonta ilaa 17.05%.

 

Miisaaniyadda horudhaca ah ee maamulka Sauk Rapids ee ayaa lagu sheegay in ay wax ka Badali doonto dhaqaalaha Maamulka, Sida dhaqaala ku baxa Booliska, Dayactir dhisme iyo Lacago loo Tala Galay Saraakiisha Howl-gabka ah..

 

Waxa kale oo jirta oo kale lacag dhan $ 33,000 oo ah miisaaniyadda hordhaca ah oo loo qoondeeyay kharashaadka doorashada deegaanka.

 

canshuuraha la Kor-dhiyey ee magaalada iyo Qorshaha Hagaajinta Caasimada wuxuu Kor u qaadaya 11.6 mayl oo waddooyin ah sannadaha 2022 iyo 2023 marka la isku daro $ 15.7 milyan. Inta badan Talo Bixinta la soo jeediyay waaxay qeyb ka tahay Sarre u Qaadista koonfurta US Highway 10 dhinaca woqooyi iyo koonfurta Second Street North.

 

Si loo Fuliyo qorshaha, mas’uuliyiinta magaaladu waxay soo jeedinayaan inay soo saaraan $ 900,000 oo ah Quburadda ah ee qiimaynta gaarka ah iyo kor u qaadista cashuurta guud ee Kor-qaadista Dhaqliga magaalada Sauk Rapids.

 

About Author

Skip to content