October 17, 2024

Xidig TV

Duqa Magaalada Brooklyn oo eedeyn kuulul u jeediyey Booliska Degmada.

Duqa Maamulka Brooklyn Mike Elliott oo la hadlaya warbaahinta intii uu ku guda jiray shirkii jaraa’id ee 20 -kii Abriil ee uu ka jeediyey goobtii lagu dilay Daunte Wright. Elliott ayaa shaaciyey isbeddelkii ugu horreeyay ee booliiska Talaadadii.

Magaalada Brooklyn Center waxay soo bandhigtay isbeddelkeedii ugu horreeyay ee amniga dadweynaha Talaadadii – oo qayb ka ah barnaamijka dib -u -habaynta duqa magaaladu shaaciyey.

Talaabooyinkan iyo dhaqangalkooda, ayaa qeyb ka ah siyaasadd cusub oo looga golleeyahay in looga hortago Xad-gubyadda taraafikada.

Duqa Magaalada Brooklyn Mike Elliott ayaa sheegay in Dhacdooyin badan oo dilal ah oo dhex maray booliska iyo Dadka Madowga ah looga hortegi lahaa hab wanaagsan oo loogu talagalay badbaadadinta iyo wada noolasha dadweynaha.

Jeff Potts, oo ah agaasimaha Booliska Minnesota, ayaa sheegay in saraakiil badan ay dib u qiimeynayaan xirfaddooda ah u baahan. yihiin in lagu sameeyo.

Waaxda Dhawrista Xuquuqda Aadanaha ee Minnesota oo dhowaan sheegtay in Waaxda Boliiska ee Brooklyn Center iyo Michaels Stores ay jebiyeen sharciga xuquuqda madaniga ee gobolka, Elliott ayaa sidaas yidhi. Waaxda xuquuqul insaanka ayaa go’aamisay in saddex sarkaal ay adeegsadeen awood xad -dhaaf ah ayna ku Takrafal Awoodeed sameeyeenda.

 

 

 

About Author

Skip to content