October 17, 2024

Xidig TV

Muxuu yahay SERVEY-ga ay Bulshada St cloud ka Doodayaan?

Bulshada ku Nool Gobolka Minnesota Gaar ahaan Degmada St Cloud ayaa iskugu imaaday Kulan ay uga Arrinsanayeen Aayahooda, Gaar ahaan waxbarashada Ubadkooda.

 

madashan oo ay Gar wadeen ka ahaayeen Gabdahan lagu kala Magacaabo Fartuun iyo Fatuma Cukaash ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Waalidiin, Aqoon yahay iyo waxgaradka Gobolka ahaa Gaar ahaan Degmada ST CLOUD, waxayna Isla meel Dhigeen in ay muhiim Tahay in ay iyagu isku xirmaan islamarkana waxa Ubadkooda waxyeeleynaya ay Iska diidaan waxa waxtarka u lehna ay Dardar-geliyaan.

 

Qaar ka mid ah Culimadii Xafladan Soo Xaadiray ayaa kawaramay Ahmiyadda ay la leedahay in laga war qabo Mustaqbalka Caruurta iyo Toosintooda waxay sheegeen in ay xata Khudbooyinka Jamcadda kaga hadlayaan Toosinta ubadka.

Ugu Dambeyntii Dadka kasoo qeyb Galay madashan ayaa sualo iska waydiiyey Xafladan iyo Tilaabadda xigta ee la Gudboon.

About Author

Skip to content