October 17, 2024

Xidig TV

BARNAAMIJ KU SAABSAN KORRIMADA CARUURTA.

Ilmo kasta wuxu lee yahay xawaare u gaar oo uu ku horumaro, ku koro, si ka
duwanna wax u barto. Si kastaba ha ahaatee, laga bilaabo dhalashadooda ilaa
5-jidh ilamahaagu waa inuu guul u gaar ah ka gaadho sida uu u cayaaro, wax u
barto, u hadlo, u dhaqmo iyo uu u dhaqaaqo. Halkan ayaa ah dhowr tusaale ah ay
sameeyaan marxalad kasta oo horumarkooda ku saabsan. Waxaad boggan ka
baran kartaa dhamaan horumarkooda guuleed www.helpmegrowmn.org iyo hadii
aad qabto cabasho, sidoo kale halkaa waad ka samaysan kadhaa dalab lagu
gudbiyo.

3 Bilood
Waxay raacaan dhaq-dhaqaaqaga iyagoo madaxa jeedinaya.
Waxay kor u qaadaan madaxa iyo xabadka iyagoo caloolsha u jiifa
Way aamusaan markay maqlaan cod ay garanayaan ama taabasho.

 

6 Bilood

Waxay isu gad-gadiyaan dhinac dhinac
Waxay bilaabaan fadhi iyadoo la yar caawinayo
Waxay marba gacan ku wareejiyaan sheyada.

 

9 Bilood
Waxay fadhiistaan iyagon la caawin
Way xamaartaan wayna guur-guurtaan
Waxay ku dhawaaqaan “dada”, “mama” ama “baba”

12 Bilood

Si ay u istaagaan waxay cusksadaan, qabsadaanna alaabada guriga
Waxay dhaqdhaaqjiyaan madaxa “oo ah maya” ama haadiyaan gacamaha oo ay ka
wadaan “nabadeey”
Waxay dhahaan “hooyo” iyo “aabo”
Waxaan ku talinaa in si dadag ah loo gudbiyo: hadii dhalaankaaga uusan
dhawaaqin, farta wax ku fiiqin iyo hadii uusan wax tilmaamin markuu noqdo 12
bilood jidh

18 Bilood

Kaligood ayey socdaan waxayna bilaabaan inay ordaan
Waxay yidhaahdaan kalmado 3-ah ama in ka badan
Waxay wax ku qoraan qalinka color-ka leh ama qalin-qori

Gudbi socod baradka 16 bilood jidhka ah; hadii aysan odhan karin erayada halka
ah sida “hooyo”.

2 Sano

Waxay kor iyo hoos usocdaan iyagoo jaranjadhta qabsanaya
Waxay farta ku fiiqaan shayaasha ama sawirada buugta ku dhex yaala
Waxay si kooban u garab cayaaraan caruurta kale
Waxaan ku talinaa in si dag dag loo gudbiyo: hadii socod baradkaagu isticmaalin
weedho laba-eray ah markuu 2 jidhsado

3 Sano
Si fiican ayey u ordaan una kodhaan meelaha
Waxay dhisaan blockyo lagana yaabo inay dhisaan munaarad lix-blocks
Waxay adeegsadaan weedh 3-eray ah

4 Sano
Waxay inta badan qabtaan kubada bood-booda
Waxay sheegaan sheekooyin xasuustaanna qaybo ka mid ah sheekooyinka
Waxay keenaan nuqulada qaababka fudud
5 Sano

Way boodaan waana laga yaabaa inay kor u boodi karaan
Waxay si cad ugu hadlaan weedho shan – eray ah ama in kabadan
Waxay tiriyaan 10 shay ama in kabadan

Waxaan ku talinaa in si dag dag ah loo gudbiyo: Hadii ubadkaagu u muuqdo inay
ka lumayaan xirfadaha luqadda ama bulshaynta da’kasta

About Author

Skip to content