October 17, 2024

Xidig TV

Doorka ay ku leeyihiin Ganacsatada iyo Shaqabixiyaasha la dagaalanka Caabuqa Covid-19

illustration of a flu virus structure on isolated background

Hordhac

Dagaalka  ka dhanka ah cudurka saf-marka ah ee COVID-19, ganacsiyada iyo shaqa-bixiyayaashu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan yaraynta fiditaanka fayraska iyo ilaalinta caafimaadka iyo bad-qaabka shaqaalahooda. Xarumaha Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurada (CDC) iyo Maamulka Badbaadada iyo Caafimaadka Shaqada (OSHA) ayaa bixiyey tilmaamo iyo talooyin dhamaystiran si ay uga caawiyaan ganacsatada xal u helida arimahan ku saabsan caabuqa Covid-19 xiliyadan ay durufuhu adag yihiin.. Maqaalkan, waxaan ku ogaan doonaa sida ganacsatada iyo shaqa-bixiyayaashu ay gacan uga gaysan karaan dadaalka wada jirka ah ee lagula dagaalamayo caabuqa  COVID-19.

Fahamka Xaaladda COVID-19 ee Maxalliga ah

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu horreeya ee ganacsiyadu ay tahay in ay qaadaan waa in ay ka war hayaan xaaladda COVID-19 ee degan kooda. CDCdu  waxay bixisaa kheyraad qiimo leh oo loo yaqaano “COVID-19 by County”, kaas oo bixinaya macluumaad ku saabsan heerka bulshada ee gudbinta COVID-19 ee gobol gaar ah. Shaqa-bixiyayaashu qalabkan waa in ay u adeegsadaan go’aaminta heerka khatarta ee ka jira gobolka ay ka jirto goobta shaqada iyo halka ay shaqaalaha deggan yihiin labadaba.

Ammaanka Shaqaalaha iyo U hoggaansanaanta OSHA

Xaqiijinta amniga shaqaalaha ayaa ah mas’uuliyad aasaasi ah oo saaran ganacsatada , sida uu qabo sharciyada OSHA. Shaqo-bixiyeyaashu waa inay bixiyaan goob shaqo oo ammaan ah oo caafimaad leh, oo xor ka ah  halis la aqoonsan yahay oo sababi kara dhimasho ama dhibaato jireed oo daran. Si loo caawiyo shaqo-bixiyeyaasha sidii ay u fulin lahaayeen waajibaadyadaas, waxay tixraacayaan khayraadka sida waaxda shaqada iyo warshadaha ee Minnesota iyo tilmaamaha “Coronavirus Disease (COVID-19)” ee OSHA

Mudnaanta Caafimaadka Shaqaalaha

Ganacsatada waa in ay si firfircoon u dhiirigeliyaan ficilooyinka ka hortaga faafitaanka COVID-19 ee shaqaalahooda. Tani waxaa ka mid ah tallaabooyinka ay ka mid yihiin hagaajinta hawo-mareenka gudaha, in shaqaalaha lagu dhiirigeliyo in ay guriga joogaan marka ay dareemayaan caafimaad daro, iyo fududaynta helitaanka baaritaanka. Muhiimada ay leedahay in la saaro xirashada maaskarada wajiga waa in sidoo kale xooga la saaraa, iyadoo hagitaan lagu heli karo marka ay haboon tahay in la xirto maaskarada afka lagu xirto. Xaaladaha jiran ama natiijooyinka tijaabada laga helay, shaqaalaha waa in lagu faraa inay raacaan tilmaamaha go’doomin ee lagu qexay CDC si looga hortago gudbinta dheeraad ah.

Taageerida Shaqaalaha

Maadaama oo la og yahay  in shaqaaluhu ay u baahan karaan inay fasax qaataan sababo la xiriira COVID-19 awgeed, ganacsiyadu waxay qaadan karaan siyaasado dabacsan, oo aan ciqaabaynin shaqaalaha fasax doonayaasha ah . Siyaasadahan waa inay tix geliyaan shaqaalaha u baahan in ay is go’doomiyaan  ama qaataan tallaabooyin ka taxaddar leh sababo la xiriira u nuglaanta fayraska. Iyadoo la siinayo taageeradaas, shaqo-bixiyayaashu ma dhiirigelinayaan oo kaliya in ay kor u qaadaan wanaaga shaqaalahooda ee waxay sidoo kale gacan ka geysan karaan dadaallada ballaaran ee lagu xakameynayo cudurka safmarka ah.

Ilaalinta Shaqaalaha

Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee Minnesota waxay bixisaa khayraadka ku saabsan difaaca shaqaalaha ee la xiriira COVID-19. Intaas waxaa dheer, Xeerarka Minnesota, qaybta 144.4196 wuxuu bixiyaa difaac sharci ah shaqaalaha ay tahay in ay guryahooda joogaan inta lagu jiro go’doominta ama muddada karantiilka ee ay soo jeediyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota. Shaqo-bixiyeyaasha waa in ay ogaadaan  in la mamnuucay qaadashada tallaabooyin xun oo shaqo oo ka dhan ah shaqaalaha sida in laga eryo, asluub, hanjabaad, ama ciqaab. Shaqo-bixiyayaashu waa in ay hubiyaan in aanay shaqaalaha ku takoorin xaalada shaqada, goobta shaqada iyo mudnaanta dartood marka laga eego u hogaansanaanta tilmaamaha caafimaadka.

Gabo Gabo.

Dhamaan shaqaalaha gobolka Minnesota waa in ay ogaadan in ay leeyihiin xuquuqyo dastuuri ah oo ilaalinaya iyaga mar haddi ay soo foodsaarto durufo la xiriira badqabkooda xiliyadan lagu jiro safmarka Caabuqa Covid-19. Shaqaabixiyaashana waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ah hubinta amaanka iyo badqabka shaqaalahooda iyo hubintagoob shaqo oo ku habboon in laga shaqayn karo kana bixi karta jaangoynta OSHA. 

 

About Author

Skip to content