October 17, 2024

Xidig TV

Xasaasiyadaha laga qaadi karo talaalka caabuqa-19.

Hadii aad dareento xasaasiyad aad u daran ka dib markaad qaadato talaalka caabuqa-19.

 

Xasaasiyadaha aadka u daran waxay keeni kadhaaan astaamahan:

 

  • Neefsashada oo aad kuugu adkaata,
  • Cabirka dhiiga oo hoos u dhaca,
  • Carabka ama dhuunta oo ku barara,
  • Nabro guud ahaan oo kasoo baxa oogada lehna dheecaan

 

Hadii aad ka qaaday xasaasiyad aad u daran talaalda caabuqa-19

  • Talaalka caabuqa-19 ee noocyadadiisu kala yihiin Pfizer-BioNTech ama Moderna waxaa laga samayeeyey aalada RNA ama la yidhaahdo MessengerRNA
  • Talaalka  caabuqa-19 ee Novavax waxaa laga sameeyey protein subunit
  • Hadii aad dareento xasaasiyad ka dib markaad qaadato noocyada talaalka caabuqa-19 ee kor ku qoran, fadlan ha qaadan qayb labaad isla nooca aad horey u qaadatay.

Waxaad heli kadhaa nooc ka duwan kaad qaadatay. Dhaqtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu kuu gudbiyo kuwa ku takhasusay xasaasiyada iyo difaaca jidhka kaasoo ku siin doona daryeel qaas ah ama talo dheeraad ah.

 

Hadii aad talaalka caabuqa-19 ka qaado xasaasiyad aan aad u darnayn

 

Hadii aad dareento xasaasiyad dag-dag ha ka dib markaad qaadato talaalka caabuqa-19 kaa soo bilowda afar-saac gudeheed, balse waaxyada daryeelka cafimaadka ay kuu sheegaan inuusan ahayn xasaasiyad aad u daran, waad qaadan kadhaa qayb labaad isla nooca talaalkaas. Sidoo kale dhaqtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu kuu diro takhasuska xassaasiyada iyo ka difaaca jidhka si aad u hesho daryeel ama talo dheeri ah.

 

Hadii aad ku xajiimooto talaalada kale, irbadaha la isku duro ama dawooyinka

 

Ugu badnaan, waxay heli kadhaan talaalka caabuqa-19.  Waa inaad dhaqtarkaaga ama kuwa talaalka bixiya kala hadashaa dhamaan xasaasiyadaha  kahor inta aadan qaadan talaalka. Dadka ku xajiimooda hal nooc ama aalada laga sameeyey talaalka caabuqa-19, waxaa laga yaabaa inay helaan mid ka duwan. Dadka qaarkii ee aan qabin xasaasiyada aan aadka u darnayn, dhaqtar kooda ayaa kula talinaya in la siiyo talaalo iyaga xaaladooda u gaadha. Dhaqtarkaaga ayaa ku siinaya aqbaarta ugu haboon xalaadada caafimaad.Waxaa laga yabaa inuu kuu diro dhakhaatiir ku takhasustay xasaasiyada iyo difaaca jidhka si aad u hesho daryeel gaara ama ku siiyo talo.

 

Hadii aad ku aragto nabar gacanta meesha laaga duray irbada talaalka caabuqa-19

 

Hadii aad isku aragto casaan, cuncun, barar, ama nabar xanuun badan meesha lagaaga duray talaalka caabuqa-19, wali waa inaad qaadataa talaalka qaybtiisa labaad waqtigii laguu qabtay. Talooyinkan waxay khuseeyaan dadka qaadanaya talaaka qaybta labaad, ama qayb dheerad ah. Waxaa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kugula taliyo in gacanta kale lagaa siiyo talaalka danbe.

Laga yaabee in nabruhu ay bilowdaan dhowr maalmood ama isbuuc markay kasoo wareegto waqtigii aad tallaka qaadatay, laga yaabaa mararka qarkiis in nabar aad u wayn yahay. Nabrahan waxaa loo yaqaanaa “COVID arm.” Fadkan u sheeg daryeelaha caafimaadkaaga in nabrahan ay kaasoo baxeen ka dib markaad talaalka qaadatay. Talaal bixiyaha ayaa laga yaabaa inuu kugula taliyo in lagaa talaalo gacanta kale.

Hadii  nabarku ku cuncuno,waxaad u qaadan kadhaa dawada ka hortagta jidh cuncunka ee looyaqaano antihistamine. Hadii aad isku aragto xanuun badan, qaado xanuun baabiyaha loo yaqaano NSAID.

 

CDC – Waaxda ilaalisa cudurada faafa ayaa la socda warbixinta ku saabsan xasaasiyada

 

Hadii qof isku arko xasaasiyad ka dib markay qaataan talaalka caabuqa-19, dhaqtar kooda wuxuu aqbaartooda u diri kadhaa bogan: Vaccine Adverse Event Reporting System (VAERS).  VEARS waa nidaam qaran oo ururiya warbixinnada ka soo baxa xirfadlayaasha caafimaadka, kuwa soo saara talaalka, iyo dadwaynaha kasoo ku saabsan dhacdooyinka aadka u daran talaalka ka dib. 

 

 

 

About Author

Skip to content