October 17, 2024

Xidig TV

Minnesota oo ku guulaysatay maal galinta tartanka waaxda CDC si loo balaadhiyo shaqada cudurka loo yaqaano Sickle Cell.

Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota (MDH) ayaa deeq shan sano ah ka heshay hay’adda CDC si loo baadho saameynta cudurka sickle cell ee gobolka. Cudurka Sickle cell, ayaa ah cudur si caadi ah loo kala dhaxlo, kaasoo unugyada dhiiga cas ama gaduudan u gaystay  dhibaatooyin caafimaad daro oo kala duwan. Gobolka MN waxaa sanad walba ku dhasha dhalaan qaba cudurka sickle cell oo gaaraya 22 iyo 540 sifaat.

Ujeedada deeqdan ayaa ah  in la ururiyo xog ku saabsan baahinta unugyada sickle cell, ka hortaga xaaladaha deg dega ah iyo khayraadka lagu hagaajiyo sida la isku waafajiyo adeegyada daryeelka caafimaadka, kor u qaadista natiijooyinka, iyo sida loo yareeyo farqiga balaaran ee u dhexeeya dadka qaba cudurada ku dhaca unugyada sickle cell.

 

Waaxda Caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH) ayaa iskaashi la yeelatay aas-aaska hay’adda Sickle Cell iyo nidaamyada daryeelka caafimaadka. Waa barnaamij xog uruurinta qaranka ee cudurka Sickle Cell, kaasoo bixiyey deeq gadhaysa $ 1.625 milyan muddo 5 sano ah. Cudurka Sickle cell wuxuu ku dhacaa qof kasta laakiin wuxuu si gaadh ah u saameeyaa qoomiyadaha ka soo jeeda Afrikan American kuna nool gobolka Minnesota, taas oo muujinaysa farqiga ama kala duwan uu cudurkan u saameeyo dadka.

 

Rae Blaylark, oo ah Madaxweynaha, iyo agaasimaha hay’adda Sickle Cell Foundation ee Minnesota, ayaa xooga saaraysa muhiimadda ay leedahay in shakhsiyaadka qaba xanuunka ku dhaca unugyada jirka ay helaan daryeel caafimaad si kor loogu qaado helitaanka natiijooyinka loona yareeyo bukaanada isbitaalka lagu daryeelo. Sickle Cell Foundation ayaa la shaqeeya hawlgalayaasha bulshada, dhakhaatiirta, iyo Waaxda Caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH).

 

Hawlihii ugu danbeeyay ay MDH qabatay waxaa ka mid ah bixinta khayraadka khadka ama internetka, ururinta xogta booqashada isbitaalada ee la xidhiidha Sickle Cell, kuwa qabanaya baaritaanka dhallaanka lagu taageerayo Golaha Latalinta Cudurada naadirka ee Minnesota, kor u qaadista raadraaca iyo cabirka lagu ogaado saamaynta cudurka unugyada sickle ee gobolka. Ka baro akhbaar badan aasaaska cudurka Sickle Cell ee Minnesota.

 

About Author

Skip to content