October 17, 2024

Xidig TV

Dib u soo noqoshada COVID way dhici kartaa haddii aad qaadato dawada Paxlovid iyo haddii kale.

Sida jidhka uga jawaabo caabuqa fayraska "ma sinna.

Waa maxay dib uga soo kabashada COVID?

Dib uga soo kabashada Covi-19 waxaa lagu qeexay inay tahay calaamadaha caabuqa-
19 oo qofka laga helo ka dib makuu ka bogsado cudurka. Warkan waxaa laga soo
xigsaday waaxda CDC. Dib uga kabashada COVID-19 waxaa lagu tilmaamay inay
tahay calaamadaha soo noqnoqda ama dadka oo laga helo caabuqa badhitaan kadib.
Sida ay u kala horreeyaan dhacdooyinku guud ahaan waxa ay u eeg yihiin taxane
iskugu xiga sidan: qof ayaa ku dhacaya Covid yeeshana astamaha lagu yaqaano,
mudada uu caabuqa jidhkiisu ku jiro hoos ayuu astaamhiisa u dhacayaa, saa awgeed
ayaa baadhitanka hore ee guriga home-antigen uu sheegaa inaadan qabin, dib waxaa
usoo noqda astaamaha Covid waxaana laga yaabaa in badhitaanka labaad ee guruga u
sheego in lagaa helay caabuqa.
Astaamaha guud ahaan ee caabuqa soo noqnoqda ayaa ah kuwo fudud, sida aan
kasoo xigsanay warbixin kasoo baxday waaxda u qaabilsan baadhitaanada iyo
xakamaynta cudurada faafa taasoo shaaca ka qaaday laga bilaabo bishii December ee
sanadkii lasoo dhaafay aanan qof isbitaal loola dhigin ama u dhiman, December 2023
CDC report.

Paxlovid ma sabataa calaamadaha soo noqnoqodka Covid?

Dawada loo yaqaano Paxlovid ma keento soo noqonoashada caabuqa-19. Baadhitaan
ay samaysay waaxda u qaabilsan xakamaynta cudurada faafa ee loo yaqaano CDC
ayaa laga soo xigsaday in shantii qof ee qaadatay dawada Paxlovid, hal qof kaliya uu
dareemay soo astaamaha caabuqa soo noqnoqda.Baadhitaankan ayaa sheegay in soo
noqon qoshada kala duwan ay sababtay saamaynta cudurka iyo difaaca jidhka
shaqsiyadeed. Inkastoo sababaha ay kala duwan yihiin hadana cilmi-baadhayaasha

ayaa ka shaqynaya siday u fahmi lahaayeen kala duwanaanshaha shakhsiyadeed: A
CDC review of COVID rebound studies.

Caabuqyada kale sida kan hargabka iyo RSV ma sababaan dib u noqoshada
Covid?

Waa laga yaabaa in dib usoo noqoshada uu keeno caabuqyada kale sida hargabka, iyo
RSV, laakiin lama hayo aalad guriga la iskaga baadho. Waxaase mustaqbalka la
rajaynayaa in la soo saaro aalad hargabka la iskaga baadho guriga si dhaqaatiirta
baadha viruska ay u falanqeeyaan sida Covid.

Fadlan riix bogan si aad uga bogato akhbaar buuxda:What we now describe as COVID
rebound: https://www.nature.com/articles/s41564-022-01105-z/figures/1

About Author

Skip to content