October 17, 2024

Xidig TV

Daadadka roobka ay khatar ku yhiin ceelasha biyaha laga cabo ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Ogaysiis:

Xogtan waxay shaaca ka qaadaysaa in daadadka roobka ay khatar ku yhiin ceelasha biyaha laga cabo ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa ku guubaabinaya dadka isticmaala ceelasha gaarka loo leeyahay inay ka difaacaan wasakhda daadku keeno.

 

Waxay waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH) ku talisay in dadka isticmaala ceelasha gaarka loo yahay ay u diyaar garoobaan khatarta ka iman kadha daadadka  si ay biyahooda uga badbaadiyaan wasaqda fatahaada maadaama ay kusii badanayaan qaybo badan oo ka mid ah gobolka. Kuwan ayaa ka mid ah tallabooyinka feejignaanta muhiim ah ay soo jeedisay:

Haddii ceelkaagu ku yaalo aagga ama meelaha daadka unugul yahay, la xidhiidh qandaraasle fiican oo ruqsad haysta:

Iska hubi oo dayactir ku samee wixii waxyeelo ka soo gaaray daboolka ceelka

Kordhi daboolka ceelka si uusan uga kor marin heerarka daadka la filayo.

Iska hubi darajada ku habboon si biyaha looga fogeeyo ceelka

Isku diyaarinta daadadka dhow:

Kaydi biyo nadiif ah oo dhowr maalmood ku haynaya

Xidh xooga korontada ee ceelka si looga hortago in biyaha daadku ka soo galo tuubooyinka

Haddii uu waqtigu kugu yadh yahay,  ku dabool ceelka caag culus kuna xidh koolo koronto ah

Talaabooyinka la qaato daadka – ka dib:

Iska ilaali inaad biyaha ceelasha u isticmaasho biyo la cabo, kuwa cunada lagu karsado, ama aad ilkaha ku cadayato haddii uu daadadku gaadho ceelkaaga illaa laga kormeero oo laga nadiifiyo.

Iska ilaali in korontadu kugu dhagin adoo hubinaya in ceelka ka go’an yahay korantada inta aadan usoo dhowaanin.

Baadhitaanada ceelsha iyo jeermis-bixis/dilid:

Soo kaxayso qandaraasle wanaagsan oo ruqsad haysta kaas oo kormeera nadaafada ceelka, kana nadiifiyo jeermiska iyagoo isticmaalaya koloriin.

Iska ilaali isticmaalka bamka ceelka si aad uga saarto qashin-qubka si waxyeelada looga hortago.

Marka jeermiska la dilo ka dib, la xidhiidh waaxda caafimaadka ee degmadaada ama shaybaar ay MDH-ka aqoonsan tahay si looga baadho bakteeriyada coliform.

Haddii baadhitaanka hore laga helo bakteeriyada coliform, ku cel celi jeermis bixin iyo baadhitaan ilaa biyuhu ay noqdaan amaan ama la cabi kadho

Ha isticmaalin biyaha ilaa uu shaybaarku xaqiijiyo amaankooda.

Si fiican biyaha uga baadh bakteeriyada coliform haddii daadadku usoo jidhsado ceelka 50 fiit gudahood xitaa haddii uusan gaadhin.

 

Hadii aad doonayso faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xidhiidh Qaybta Maaraynta Ceelasha Waaxda Caafimaadka ee Gobolka MDH at health.wells@state.mn.us ama ka wac numbaradooda 651-201-4600 ama 800-383-9808 ama booqo bogoda Natural Disasters and Private Wells

 

About Author

Skip to content