October 17, 2024

Xidig TV

Govanatooraha Minnesota waltz oo ku soorogay amar ah xirashada maaskiga ee reer Minnesota

Laga bilaabo Sabtida 25 ka luulyo ee 2020 waxaa dadka reer Minnesota lagu amray in ay xirtaan maaski ama waji dabool kolka ay joogaan goobaha  ganacsiga gudahooda ama ay kudhex jiraan goobaha dad weynaha ee kale .

Goaankani waxa uu gaadhay govatooraha gobolka Minnezota kadib markii uu sameeyey wadatashi balaaran isla mar ahaantaana ay magaalooyin badan ee gobolka Minnesota ay soo rogeen golahooda deegaaneed  amaro ay dadka ku amrayaan in ay xirtaan waji daboolka marka ay ku jiraan goobaha ganacsiga ama meelaha ay dadku iskugu imaadaan marba hadii meeshu ay tahay goob kor ka xiran iyada oo uu mudane waltz xeerinayo arintan ayaa waxa uu soo saaray digreeto govantoore lambarkeedu yahay 20-81 arabcadii luulyo 22 dii ee 2020 taas oo dhaqan galaysa sabtida luulyo 25da 2020.

Gavanatoore waltz oo kahadlayey muhiimada ay leedahay in ay dadku xirtaan maaskiga ayaa waxa uu yiri “ COVID-19 waxa uu saameyey qayb walba oo noloshayna ah iyo meel walba oo gobolkeena ka tirsan sidaas daraadeed  sida caadada inoo ah hadaanu nahay reer Minnesota , waan isku imaanay sida aan sameyno mar walbo oo duruuf adag ay nasoo wajahdo  si aan iskugu naxno hadana sida ugu wanaagsan oo aan iskugu nixi karno waa in aan xiranaa maaskiga”

Talada ah in la xirto maaskiga marka aad dad kale lakulmaysid haddiiba aad ku kulmaysaan goob kor kaxiran ama dhismo gudaheed waa talaabo wanaagsan oo hoos u dhiagaysa is qaadsiinta cudurka COVID-19 maadaaama cudurkan lagu kala qaado dhanka hawada.

Haddii aad kanaxaysid dadka aad jeceshay haday noqon lahayd asxaabtaada ama dadka aad wada shaqayssan sida ugu wanaagsan oo aad iminka kucawini kartid waa in aad xirataa maaskiga.

 

Waxaa qoray cabdi Ibrahim

St Cloud MN

About Author

Skip to content