October 17, 2024

Xidig TV

ST CLOUD: Talaalka Caruurta ay Da’doodu ka yar tahay 5 ilaa 11 ayaa bilaaban Doono Sabtida Fooda inagu Soo haysa.

Talalalka Caruurta ay Da’doodu ka yar tahay 5 ilaa 11 Sano Jir ayaa Bilaabanayaa Maalintada Sabtida ah ee Fooda Nagu Soo Haysa oo ay Taariikhdu Tahay 18 Dec 2021 saacadu marka ay Tahay 9 Subaxnimo ilaa 2 Galabnimo sidoo kale waxaa Talaalka la Qaban Doona maalinta Sabtida ah 8 bisha Jan ee Sanadka Cusub.

Dr Tjaden oo Marti ku ahayd Barnaamijka Amuuraha Caafimaadka ee XIDIG TV ayaan waydiinay maxay Muhiim u tahay in ay Caruurta ay Da’doodu ka yar tahay 5 – 11 ay Helaan Talaalka?

waxay Tiri waxay muhiim u Tahay Caruurtu Sababtoo ah Iska Xakameyn karaan Haduu ku dhoco Cudurka Coronavirus waxay Helis Galinayaan Macalimiintooda, Waalidiintooda iyo xata Caruurta Kale.

” Waxaan Rabnaa Caruurtu in ay Aadaan Iskuulada oo ay waxbarashadoodu ka Habsaamin Coronavirus awgii” ayay Tiri Dr Kim Tjaden.

Sidoo kale Dr Machel Rivard oo isna Marti ku aha Doodan Caafimaadka St Cloud ku saabsan ee XIDIG TV ayaanu waydiinay Qaabka ay Dadku maalintan ku imaan Karaan Iyo in ay Jiraan Baabuur Dadweyne oo Dadka lagu Soo daad-gureynayo.

” Waxaan ku Faraxsanahay inaan wada shaqeyn yeelanay qeybta Metro-bus ee Adeega basaska oo Dadka bilaash Guryahooda ilaa Xarumaha Talaalka bilaash ku keenaya bilaashna ku celinaya’

Dhammaan Bulshada ku Nool Degmada waxaa lagu boorinayaa in ay maalintan ka Faaideystaan Adeegan.

 

 

About Author

Skip to content