October 17, 2024

Xidig TV

Hay’dda IANA oo Talaalka COVID-19 ka Bilowday ST PAUl.

Hay’dda Islamic Association of North America ee magaceeda loo Soo gaabiyo ( IANA ) oo kaashanaya Waaxda Caafimaadka ee MN iyo Dhaqaatiir ayaa masaajidka Ihsan ee St Paul MN ku qabatay Talaalka ka Hor taga Caabuqa Covid-19 maadama lagu Gudo jiro Bisha Barakeysan ee Ramadan Masaajidana ay Dad badan iskugu imaanaya waqtiyada Taraawiix-da.

waxay Hay’dda IANA ku Talisay in Talaalka la Qaato hadii aadan Horay u qaadanin Hadii kii laabad aadan qaadanin aad Qaatado hadii uu waqti hore kugu Dambeysayna ad Booster Qaato Sidoo kale waxay Hay’ddu ku Talineysaa marka aad joogta Suuqa ama Meelaha Dadweynuhu ku kulmaan aad Maskaraha Xirato.

IANA ayaa sheegtay in Muhiimada ugu Weyn ee Barnaamijkan ay Tahay Badqabkaaga iyo Kan Qoyskaaga maadama aan iskugu imaaneyno Gudashada Waajibaadka Bisha Ramadan.

Hay’dda Islamic Association of North America ayaa ku Dadaaleysa in ay si hoose ula shaqeyso Masaajidda iyo Goobaha Cibaadada .

About Author

Skip to content