October 17, 2024

Xidig TV

Maamulka Caafimaadka ayaa dadwaynaha ku bogaadinaya inaanay cunin tufaaxa qorfaha leh ee ku jira bacda khudrada.

War saxaafadeed – Ogaysiis

Nov. 3, 2023

 

Waaxda maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee dalka Maraykanka (FDA) waxay soo saartay talo ay waalidiinta iyo daryeelayaasha kula talinayso  in aanay soo iibsan ama siin caruurta WanaBana oo ah tufaax qorfe lagu shiiday  kuna jira bacaha sababtoo ah waxa la ogaaday inay ku jiri kadhaan qayb aad u sarayso aalada sunta ah ee layidhaahdo Lead.

 

Waxaa wallidka la ogaysiinayaa in tufaaxa qorfaha lagu shiiday lagu iibiyo dhamaan dukaanada cuntada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sam’s Club, Amazon and Dollar Tree.

 

Waxaa waalidka, daryeelayaasha dhalaanka iyo dadka ka’yartaba kuwaasoo laga yaabo inay cuneen WANABANA lagula talinayaa inay la xidhiidhaan daryeelka caafimaadka si dhiigooda looga baadho sunta lead ka.

 

Sunta lead ka malaha heer badbaado leh saa awgeed carruurta waxay halis ugu jiraan inay saamayn caafimaad darro u keento, sida caqligooda oo hoos u dhaca. Sababtan awgeed ayey waaxda caafimaadku ku bogaadinaysaa waalidiinta inay iska hubiyaan mirahan intaysan cunin.

 

Waxaa socda baadhitaanka mirahan. Waxaad xog dheeraad ah oo ay ku jiraan ogeysiis sida loo celiyo mirahan sunta laga helay aad ka heli kadhaa boga maamulka cuntada iyo dawooyinka loona yaqaano FDA: FDA’s website.

 

-MDH-

Media inquiries:
Amy Barrett
MDH Communications
651-201-4993
amy.barrett@state.mn.us

About Author

Skip to content