October 17, 2024

Xidig TV

Ma waxaa imanaya Kacdoonka bilaha xagaaga ee COVID?

Waa kuwan xogta CDC ay natusayso.

 

Waaxda xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa ee (CDC) ayaa waxaa laga soo xigsaday in dhawaanahan isbadalo yimi ay muujinayaan in caabuqa -19 uu ku soo kordhayo qaybo ka mid ah gobolada Maraykanka. Qodobada ugu muhiimsan warbixintan ayaa  waxaa ka mid ah:

 

Baadhitaano lagu sameeyey biyaha wasakhda ah, oo ah hab lagu ogaado faafitaanka caabuqa-19 ee bulshada, ay muujisay in heerarka virusku si lixaad leh ugu kordhay dhowr gobol  oo ay ka mid yihiin: Montana, Florida, Alaska, California, Connecticut, Georgia, Maryland, and New Mexico.

 

Waxaa kodhodh siyaado ah oo caabuqa-19 lagu arkay qolalka gargaarka deg dega kasoo la sheegay in hal subuuc oo kaliya uu kor u kacay 12.6%.

 

Kodhodhka ugu badan waxaa lagu arkay goboladan: Delaware, Iowa, Illinois, Indiana, Nebraska, New Jersey, Rhode Island, Vermont, Virginia, and West Virginia. Inkastoo kaysaska caabuqa-19 uu kor u kacay, hadana todobaadkii hore waxaa la sheegay in 0.6% oo kaliya laga helay dhamaan qaybaha booqashada deg dega ah.

 

The Centers for Disease Control and Prevention (CDC) reported a 1% increase in positive COVID-19 tests.

The accuracy of this data is impacted by the prevalence of at-home testing, which often goes unreported.

 

Waaxda xakamaynta iyo ka hortaga cudurada faafa (CDC) ayaa shaacisay in 1% uu kor u kacay baadhitaanadii laga helay caabuqa-19. Waxayse waaxda sheegtay in saxnaanta xogtan ay saamayn ku yeelatay baadhitaanada guriga la iskaga qaado kuwaas oo badanaa aan la sheegin. Soo bixida subvariants cusub sida FLiRT iyo KP.3, ayaa laga yaabaa inay ka qayb qaateen kor u kaca kiisaskan.

Sidoo kale talaalka caabuqa-19 wali wax tar ayuu ku leeyahay noocyadan, laakiin heerka uu qofku u nugulaado ayaa laga yaabaa inuu kordho haddii waqti badan kasoo wareegato talaalkii ugu dambeeyay ee xoojiyaha ama boosterka.

 

Ilan Rubin, oo ah cilmi baare ka tirsan dugsiga caafimaadka dadweynaha ee Harvard T.H. Chan School of Public Health, ayaa sharaxday in tallaalka la isku tallaalayo iyo muddooyinka caabuqa ee isdaba jooga ah ay sababi karaan in bulshadu ay noqdaan kuwo u nugul isla waqti isku mid ah.

Ugu danbayn, safarada iyo hawlaha bulshada oo bata inta lagu jiro bilaha xagaaga awgeed ayaa sidoo kale sare u qaadi kara khatarta u nuglaanta.

 

 

About Author

Skip to content