Sideed is ku ilaalinaysaa kulanada bulshada?
Is ku imaatinka bulshada ayaa muhiim u ah caafimaadka maskaxda iyo ladnaanshaha qofka. Waxaan joognaa heer dadku ay bilaabi karaan inay ku kulmaan iyaka oo ah kooxo yaryar. Haddii aad marti-gelinayso ama ka qaybgeleyso kulan bulsheed, raac talooyinkan si aad u ilaaliso naftaada iyo kuwa kale.
- Ka dhig kulamadaada gudaha 10 qof ama kayar.
- Ka dhig kulamadaada bannaanka 25 qof ama yar.
Dadka gudaha ama dibedda jooga waxa looga baahanyahay inay sameeyaan arimahan:
- Dadka ka kala imanaya qoysas kaladuwan waa inay ugu yaraan 6 food kala durkaan.
Horre usii diyaari kuraasta dadku fadhiisanayaan si aad u suuro galiso kala durugsanaanta dadka
- Xidho afgashi marka ayna suuro gal ahayn inay dadku kala durkaan 6 food.
- Xidho afgashi marka aad timaado, markaad baxayso, iyo hadii aad ka fursanwaydo inaad ku dhex wareegto dadka dhexdooda.
- Isku day inaad yareyso lawadaaga alaabta dadka qoskaaga aan ahayn. Haddii aad sidaa samayso, maydh gacmahaaga ama isticmaal gacmo nadiifiye ugu yaraan 60% alkahool ay kujirto.
Xusuusnow: Gurigaaga inaad joogto hadii aad xanuunsanayso oo xusulkaaga ama maro isticmaal markaad qufacayso ama aad hindhisto.
More Stories
Ma waxaa imanaya Kacdoonka bilaha xagaaga ee COVID?
Daadadka roobka ay khatar ku yhiin ceelasha biyaha laga cabo ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Ololaha ‘Maqal Iyada’ oo ay MDH bilowday si loo yareeyo dhimashada la xidhiidhta uurka.