Gobolka Minnesota waxa uu ka furi doona magaalada St Cloud arbacada taarikhdu tahay 10/28/2020 goob dadka looga baadho dhanka candhuufta caabuqa COVID-19 . Adeegan oo bilaash ah ayaa u furan dhamaan dadka reer Minnesota ay u bahan in ay is baadhaan
“Baadhitaanku waxa uu qayb libaaxle ka qaadanayaa sidii dadka looga ilaalin lahaa in uu ku dhaco COVID-19” sidaas waxaa yidhi Komishionarka wazaarada caafimaadka ee gobolka.
Baadhitaanka waxa uu ka dhici doonaa River’s Edge Convention Center, at 10 Fourth Ave South in St. Cloud. Waxa ayna furnaanaysa arbacada ilaa axada 12:00 dhuhrnimo ilaa 7 da fidnimo maalmaha la shaqeeyo .Maalmaha aan la shaqayn ee sabtida iyo axada waxay furnaanaysaa 10:00 ka subaxnimo ilaa 4:00 ta galanimo. Balamaha waxaad ka qabsan kartaa Vault Health registration site.


More Stories
Grandview School hosted an Open House in St. Cloud, Minnesota
Taysir Quran is a learning app created to help children and beginners learn reading the Quran easily
Maxaa noo xigga shirkii ka dib? Su’aalaha ayaa ah: sidee hadalka loogu beddeli karaa ficil?