October 17, 2024

Xidig TV

WAXA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO BAARITAANKA CUDURKA COVID-19

SIDEE BAARITAANKA LOO SAMEEYAA?

Haddii aad leedahay astaamaha COVID-19 ama aad xiriir dhow la yeelatid qof qaba COVID-19, waa inaad isbaartid. Dadka raadinaya baaritaan waa inay marka hore ha la xiriiraan dakhtarkooda ama bixiyaha xanaanada caafimaadka.

 

BOOQO CAAFIMAD BIXIYE

Dadka waxaa lagu qiimeeynayaa qof ahaan ama taleefan ay dhiibayaan caafimaad bixiyaha ee ku saabsan astaamaha COVID-19. Iyada oo ku saleysan hagida tijaabada ee Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington, bixiyaha xanaanada caafimaadka ayaa go’aamiya haddii tijaabadan loo baahan yahay.

 

DHEECAANKA SANKA AYAA LA BAARAA

 

Haddi dhakhtarku go’aansho in baaritaanka COVID-19 loo baahan yahay, dhakhtarka ayaa qaadaaya dheecaanka sanka ama u tilmaamaaya bukaanka sida uu naftiisa u baaraayo.

 

DHEECAANKA SANKA AYAA LOO DIRAYAA SHAYBAADHADA

Kiishada baarista oo uu la socdo dheecaanka sanka laga qaaday ayaa kadib loo dirayaa shaybaadhka si loo baaro.

 

JAWAABTA SHAYBAADHKA AYAA LAGUSOO CELINAYAA BUKAANKA

 

Haddii natiijada baaritaanku muujiyo in qofku qabo fayriska, natiijooyinka baaritaanka ayaa loo dirayaa waaxda Public Health (Caafimaadka Dadweynaha)-Seattle iyo King County.

SIDEE KU HELI KARA BAARITAAN?

Qof kasta oo leh astaamaha COVID-19 ama xiriir dhow la yeeshay qof leh COVID-19 waa in isla markiiba la baaro. Sida aad u hesho baaritaanka waxay kuxirantahay qofka aad tahay. Kooxaha mudnaanta leh, sida shaqalaha caafimadka ee safka hore, shaqaalaha daryeelka caafimaadka, iyo kuwa ku nool meelaha ay isugu yimaadaan sida xarumaha hoyga iyo xarumaha daryeelka muddada dheer. khatarta weyn awgeed, dadkaas waxay leeyihiin habab kala duwan oo loogu heli karo natiijada baaritaanka marka loo eego dadweynaha guud.

 

SHAQAALAHA GURMADKA DEGDEGA AH

 

Shaqaalaha gurmadka degdega ah, sida saraakiisha booliiska iyo shaqaalaha adeega gurmadka degdega ah ee caafimaadka, waa inay la hadlaan sarkaalkooda caafimaadka haddii ay isku arkaan astaamaha COVID-19. Qorshayaal gaar ah ayaa loo samaynayaa baaritaanka degdega ah si shaqaalaha gurmadka degdega ah ay shaqada ugu laabtaan si dhakhso ah.

 

SHAQAALAHA DARYEELKA CAFIMAADKA

 

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waa inay la hadlaan adeegyadooda shaqaalaha caafimaadka ama dhakhtarkooda haddii ay dareemaan astaamaha cudurka COVID-19, kaasoo u diyaarinaaya baaritaanka.

 

DADKA KU NOOL AMA KA SHAQEEYA MEELAHA DADKA BADAN JOOGAAN

 

Dadka ku nool ama ka shaqeeya xarumaha dadku ku badan yahay ee khatar badan ku jira, sida xarumaha daryeelka mudada dheer ama adeegyada dadka hooy la’aanta ah, ayaa leh adeegyada caafimaadka oo gaar ah oo ka caawin kara dadka qaba astaamaha COVID-19 inay helaan baaritaan iyo taageero amaan ah.

 

DADKA XANUUNSAN

 

Hadii aadan ka mid ahayn kooxahan oo aad la kulanto astaamo COVID-19 ama xiriir dhow aad la yeelato qof leh COVID19, fadlan wac bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Xitaa haddii bixiyahaaga daryeelka caafimaad uusan sameyn karin baaritaan, waxay kaala hadli karaan calaamadahaaga waxayna kaa caawinayaan inaad hesho baaritaanka iyo daryeelka.

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content