October 17, 2024

Xidig TV

Nin Ku Dhaawacmay Toogashadu xilli ay Baadhitaanka Wadeen Booliiska St. Cloud

Booliska ayaa baaraya toogasho ka dhacday St. Cloud subaxnimadii hore ee Axadda. Dhacdadu waxay ka dhacday block 300 ee Wadada lixaad ( 6th ) South abbaare 2:30 a.m.

Waaxda Booliska St. Cloud ayaa sheegay waqtigii askartu goobta soo gaadheen inay heleen nin 32 jir ah oo laga toogtay madaxa, Waxaa la geeyay Isbitaalka St. Cloud isagoo qaba dhaawacyo aan Halis ahayn. Ayuu yiri Nin aan Magaciisa lama shaacin.

 

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ninkan uu la socday laba ka mid ah saaxiibbadiis oo dagaal la galay, saddex nin oo kale. Boolisku waxay sheegeen intii uu dagaalku socday in mid ka mid ah raggaasi uu toogtay dhibanaha. Eedeysanayaasha ayaa ku baxay gaari ka hor inta aysan booliiska imaan. Macluumaad dheeri ah oo la xiriira tuhmanayaasha lama bixin.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegaya in wax yar ka hor Abaare 2:30 subaxnimo ay askartu maqleen rasaas ka dhaceysay meel u dhow block-ka 600 ee wadada kobaad (1st) iyo dhanka koonfurka ka xiga Jidka 23. Booliisku waxay sheegeen in aysan wax khasaare ah ama dhib dheeraad ah ka helin l goobta is-raaseyntu ka dhacday , waxayna baarayaan haddii ay jiraan in ay Calaaqaad leeyihiin toogashadu i Kale.

 

Qof kasta oo xog haya waxaa laga codsanayaa inuu waco Waaxda Booliska St. Cloud ee 320-251-1200 ama Dembi Baarayaasha Tri-County 1-800-255-1301.

About Author

Exit mobile version
Skip to content