October 17, 2024

Xidig TV

Ma isku Aragtay Caado wareer &Uur La’aan? Talaabooyinkan Raac.

Ma isku aragtay dhabar xanuun iyo caadada oo soo daahdo, markay timaadane ay aad u yar tahay, naasaha oo qoyaan caano u eg ka yimaado adigoo aan uur lahayn, ilmana nuujinayn, hammi yari iyo isu-tagga sariirta oo xanuun ku dareentid, wajiga oo finan iyo xaad ka soo baxaan iyo uur la’aan in muddo ah?”

Inta aan u guda galin faahfaahinta cilladaan, waxaan rabaa in dhowr arrimood u caddeeyo akhristayaasha, sababtoo ah asxaab badan ayaa nala soo xiriirtay iyagoo aaminsan inay cilladaan qabaan, laakiin waraysi kadib cilladoodu ay noqdeen arrimo kale.

✓Midda 1-aad in caadadu ay khalkhal gasho waa arrin aad ugu badan haweenka, taasi maahan in qof walba oo caado wareer isku arko inuu xanuunsan yahay ama wax ka khaldan yihiin maxaayeelay waxyaabo fudud ayaa caadada soo daahin karo ama soo dadajin karo, marka haddii aad isku aragtay caadada oo wareersan kaliya oo cillad kale la socodn, fadlan akhriso qoraalkaan ayaa ku anfaci doono.

✓Midda 3-aad waxaa jiro arrimo si dabiici ah haweenka qaarkood iskugu arki karaan markuu wareegga caadada u soo dhaw yahay ama hayo, waana arrin ku lug leh isbadalka hormoonka ee dhacayo xilligaas waana ku meel gaar ee maahan wax sii jirayo caadada ka dib, waxyaabahaas waxaa ka mid ah: finan wajiga ka soo yaaco, naasaha oo culeys noqdo, danqashane laga dareemo iyo sinta ama lugta oo lagaa qabto.

Intaas kadib, haddii aan u gudbo casharkeena maanta oo ku saabsan cilladda caado wareerka oo ay la socdaan dhalmo la’aan ama dilan joogto ah, xaad wajiga ka soo baxdo, naasaha oo caano soo galaan iyadoo uur iyo nuujin toona jirin, wajiga oo finan joogto ah yeesho, hammin yari iyo galmada oo xanuun lagu dareemo, welwel iyo diiqad joogto ah iyo cayil aadan isku aqoon jirin. intaas oo isla socdo waxay astaan u tahay laba cudur oo badanaa la isku qaldo oo kala ah.

√Cilladda Kacsanaanta Hormoonka “Prolactin”: Cilladaan haween badan ayaa lagu arkaa inkastoo aan dhakhso lagu baraarugin, faahfaahinteeda iyo waxyaabaha keeno ka

√Cilladda Ugxansidaha Fiixda Leh “PCOS”: Tanne waa cillad kale oo u eg midda kore, laguna khaldo, waxay kaga duwan tahay kaliya in naasaha aysan caano soo galin laakiin inta kale waa iskaga mid, faahfaahinta cilladaan, waxa keeno, qaabka loo baaro iyo siyaabaha loo daaweeyo intaba ka akhriso qoraalkaan:

  • Haddii aad dareensan tahay in arintaadu ay ka duwan tahay cilladaha aan kor ku soo xusay ama aad u baahan tahay latalin khaas ah oo ku saabsan mid ka mid ah cilladahaas Nala soo xiriir, Xidigtv

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content