October 17, 2024

Xidig TV

Waa maxay sababta aad ugu baahan tahay in lagu tallaalo?

Ka qeyb Qaado Munaasabadda Tallaalka Bulshada ee ay qabaneyso Hay’adda CAIRO oo ay iska kaashanayaan St. Cloud State University & MDH.

Tallaaladu waa amaan waana mid waxtar u leh inay dadka ka difaacaan inay aad ugu xanuunsadaan COVID-19. Aad bay muhiim u tahay inaad sidii loogu talagay aad u dhameysato tallaalada si aad u xaqiijiso ka hortagga ugu badan ee fayraska.

Talaalkan oo Ku dhawaad ​​400 qiyaas ahaan ka HortagaCOVID-19 ah ayaa la siiyay labada Nooc ee Talaalka ee lagu marti galiyay SCSU.

Yaa qaadan kara tallaalka

Qof kasta oo da’diisu tahay 5 iyo wixii ka weyn wuu u qalmaa tallaalka. Carruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 5 sano jir qaarkood ayaa u qalma tallaalka haddii:

• difaaca jirkoodu liito

• ay naafo yihiin

• ay leeyihiin xaalado caafimaad oo badan.

Tallaal cusub oo loo yaqaan bivalent laguna beegsanayo noocyada Omicron ayaa loogu heli karaa xoojiye (booster) ahaan qof kasta oo jira 18 iyo wixii ka weyn.

Kala hadal GP-ga inta qiyaasood iyo tallaalada la idin kula talinayo adiga iyo ilmahaaga. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo Is tallaal (Get vaccinated)

Tallaalkaaga kadib

Waxaa laga yaabaa inaad yeelato waxyeelo sida meesha cirbada lagaaga duray oo ku xanuunta, daal, murqo xanuun, qandho ama qarqaryo iyo kalagoysyada oo ku xanuuna. Dhibaatooyinka ka dhasha (side effects) waa caadi waana calaamad muujinaysa in tallaalku shaqaynayo. Caadiyan waa kuwo sahlan wayna iska dhamaadaan maalin ama laba maalmood ka dib.

Waxyeellooyinka halista ah (serious side effects) aad ayay dhif u yihiin. La xiriir dhakhtarkaaga haddii aad welwelsan tahay, ama haddii waxyeeladu aysan dhamaan maalmo yar ka dib.

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content