Wasiirkii hore ee Haweenka iyo dhalinyarada Dawlladda Federaalka Ethiopia, ayaa Lagu Soo dhaweeyay, Machadka Dalka Maraykanka u qaabilsan Nabadda oo ah Machad Dawladda Mareykanku leedahay, Waxaanna halkaa Kusoo dhaweeyay Madax ay ka mid yihiin Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee bariga Africa, u qaabilsan Machadka iyo Arimaha Nabadda, Madaxweynaha Machadka USIP, Lisa Grande,Agaasimaha bariga Africa ee Machadka USIP, Susan Stagnant, iyo hawlwadeeno kale.
Kulankan ayaa diirradda lagu saaray Arimo Muhiim.ah oo la Xidhiidha doorka Nabadda iyo Geeska Afrika oo ay hore Saameyn ugu laheyd,Filsan oo aheyd, aasaasaha Tvga Nabadda, iyo Waliba Dimuquradiyadda, Doorka haweenka ee ka qayb galka Siyaasadda, horumarinta dhalinyarada Gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha Afrika iyo Bulshada Afrika haar ahaan dalalka Geeska oo Dawladda Mareykanku sigaar ah u danaynayso.
Waxaanney Filsan oo Wax laga Weydiiyay, Arimaha la Xidhiidha Nabadda Geeska Afrika sharaxaad dheer ka bixisay, ayaa sheegtay in ay lagama Maarmaan tahey in Dalalka Geeska laga Caawiyo islamarkaana, laga hurumariyo Shaqo abuurka Dhalinyarada, iyo Xoojinta arimaha dimuqraadiyadda ee Siyaasada iyo Doorka Haweenka ee loo baahan yahey inney ka qeybgalaan Siyaasada.
Waxaanney Xogwarankeeda ku adkeysay in Dawladdaha Waaweyn ee Mareykanku Kamid yahey ay Shuruucda ku darraan in Lagu Kordhiyo qodobo sigaar ah u taabanaya Shaqo abuurka Dhalinyarada.
Filsan ayaa Kamid ah Shakhsiyaadka sida aadka ah uga dhex Muuqda Siyaasada Soomaalida Itoobiya.


More Stories
Islamic Center 2026 19th Annual
Islamic Center of St. Cloud is hosting its 19th Annual Convention on Saturday, October 3, 2026.
Residents raise concerns over Flock cameras at City Hall tonight. What do you think about the ALPR?