October 17, 2024

Xidig TV

Xageen kaheli Karaa baadhitaanka Caabuqa Covid-19?

Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ayaa ilaa haatan loo baahan yahay marark  ay jirto durufo gaar ah tusaale ahaan hadii uu qofka la kulmo  qof qaba Caabuqa Covid-19  5 maalmood gudahood.

 

Baadhitaanka COVID-19 : Waxyaabaha aan u baanahay in aan ka ogaano?

Xiliga aad is ka baadhaysid Caabuqa-19

  • Hubi in ay tahay waqtiga saxda ah 
  • Dooro Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee kugu haboon 
  • Raac hagida Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee FDA da (Waaxda maamusha cunada iyo daawooyinka ee Dalka Mareykanka )

Xageen iska Baadhi Karaa?

Meel walba : COVID-19 Self-testing( ama Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee iskaaga ah)

Ama  la xirir Famashiyaha ama xarumaha Caafimaad ee kugu dhow  si lagaaga Baadho Caabuqa Covid-19ka 

Raadi COVID-19 Community Testing meelaha kugu dow

Maadama aynu dagan nahay Gobolka badhtaamaha Minnesota , Waxaad ka heli kartaa Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 hayada CAIRO Xafiiskeeda   Kuyaala Magaalada St Cloud  gaar ahaan Mid town Square mall: maalamaha Isniinta iyo arbacada 9 aroornimo ilaa 5ta galabnimo , Talaadada iyo khamiistana 9 ka aroornimo ilaa 12 duhurnimo. Maalinta Jimcahana waa balan qabsasho. 

Haddii aad mari rabtid qaliin caafimaad , hayada CAIRO oo iskaashi laleh wazaarada Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaad ka heli kartaa adeegan baadhitaanka Covid-19 gaar ahaan midka PCRta ah ee lagu soo ogaado natiijada shaybaar.

Waxaad sidoo kale aad dalban kartaa free at-home rapid test . Qoys walba oo degan gobolka Minnesota waxay xaq u leeyihin in ay helaan ilaa 8 xabo oo ah qalabka la iskaga baadho Caabuqa Covid -19 bil walba adiga oo jooga gurigaaga.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo dalbashad qalabkan la iskaga baadho Caabuqa Covid-19 fadlan wac  MDH COVID-19 Public hotline 1-833-431-2053 inta u dhaxaysa  9 aroornimo ilaa  5 ta galabnimo maalmaha isniinta ,arbacada iyo Jimcaha ama 9 aroornimo ilaa 7 da fiidnimo maalmaha talaadad iyo khamiista.

Fariintan waxaa inoo fududaysay iskaashiga aynu la leenahay wasaarada caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH)

 

Waxa Qoray Abdi Ibrahim,

Magaalada St Cloud 

About Author

Exit mobile version
Skip to content