October 17, 2024

Xidig TV

Cudurada dabadheeraada iyo Caabuqa-19

cloud of micro organizam made in 3d software

Dadka waayeelka ah iyo kuwa xanuunsan ee qaba cudurada dabadheeraada ama joogtada noqda waxa soo wajaha ama la kulmaan caafimaad daro aad u liidata sababayna caabuqa 19. Maaraynta cudurada qaar sida neefta, macaanka ama sokorta, wadno xanuunka, difaaca jidhaka oo daciifa kadib markay qaataan dawootinka cudurka dilaaga ah ee kansarka iyo cudurada ku dhaca kalyaha. Sidaa awgeed aad ayey muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka iyo hoos u dhigida inay kugu dhacdo cudurada uu keeno viruska. Protect Yourself and Others.

 

Waa inaynu raacno talooyinka looga hortago Caabuqa-19 ee ka baxa countiyada kala duwan ee gobolkaaga si aad nafasadaada iyo tan bulshada. Aad ayey muhiim u tahay inaad la socoto tirada dadka la dhigo isbitaalka magaalada aad degan tahay si aad u ogaato talaabooyinka looga hortago cudurka ee qaasatan adiga lagugula taliyey. CDC: COVID-19 by County

 

Fadlan qaado talaalka iyo boosterka marka waqtigooda la gaadho. Bogan ayaad ka helaysaa meesh kuugu dhow : Find COVID-19 vaccine locations. 

 

Hadii uu kugu dhaco caabuqa-19, fadlan la xidhiidh dhaqtarkaaga wixii dawo ah oo aad u baahato ama booqo bogan:  COVID-10 Medication.

Kala xidhiidh dhaqtarkaaga telephone ama khadka si aad uga hortago xaalad dag-dag

Ha badalin daawinkaaga adigoon la hadlin dad khibrad u leh sida dhaqtarkaaga. Sidoo kale waa inaad haysataa daawooyin dheeraad ah lacala hadii uu kula soo gudboonaado xaalad da-dag ah

Guriga hakuu yaalaan daawooyinka daruuriga ah ee bilaa dhaqtarka ah ugu yaraan laba wiig 

Ku maaree Walbahaarka inaad seexato hurdo kugu filan iyo jimicsi. Hadii aad dareento walaac, fadlan la hadal qof. 

Si aad u ilaaliso caafimaad qabka wadnaha iyo sanbabada, jooji isticmaalka sigaarka ama raadso qof ku caawiya siddad iskaga jadhi lahayd.

Ku dadaal inaad jimicsato, cunto cunno isu dheeli tiran oo leh: qudaar, cagaar, hilib bilaa baruura, qamadi, iskana dhowr cabitaanka sokorta miidhan. 

Markaad sii waynaato, waxaa kor u kaca khatarta uu leeyahay caabuqa-19. Waayo dadka waawayn waxaa inta badan loo badiyaa inay qabaan hal ama laba kamid ah cudurada raaga sida wadna xanuunka iyo macaanka. 

More Information

 

Wixii  faahfaahin dheeraad ah riix boga hoose

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content