October 17, 2024

Xidig TV

CentraCare ayaa bixinaysa Talaalka Hargabka (Influenza) waqti munasabah

African-american man blowing his nose to paper napkin. Sick man sneezing. Man having an allergy and blowing his nose to a tissue. Vector flat design illustration in the circle isolated on background.

Magaalada St.Cloud ee gobolka MN waxaa la gaadhay waqtiga cimiladu is badasho iyo bilihii qaboobaha waayo qoraxdu waxay dhacdaa goor hore geedaha iyo dhirtuna dhulka ayey ku hoobataa. Tani waxay ka dhigan tahay inay nagu soo wajahan tahay ama nagu soo fol leh xiligii hargabka. Waxaa diyaar ah talaalka hargabka sidoo kalana waxaan idiin sahalnay sidii adiga iyo reekaaga aad isaga difaaci lahaydeen haragabka. Centracare waxay idiin diyaarisay dhowr goobood oo aad ka qadan kartaan talaalka xitaa gaadhiga dhexdiisa. Laba hab ayaad balan ku qabsan kartaa, soo wacid ama xaga khada.

 

Si aad balan u samaysato, waxaad wacdaa goobaha caafimaadka ama numberkan: 320-200-3200. Hadii aad doorbido inaad talaalka qaadato waxaad heli kadhaa balan aad la kulanto qof. Waxaa qof walba lagula talinayaa inuu qaadan karo talaalka laga bilaabo lix billod jidh iyo wixii ka waynba. Hadii aad doonayso talaalkan, waxaa loo baahan yahay in aad balan qabsato. Centracare waxay sanadkan bixinaysaa talaalka harabka ee dadka 65 jir ka ah ama ka wayn. Waxaa talaalkan loogu talogalay inuu xoojiyo difaaca jirka iyo inuu dheereyo waqtiga uu jidhkaaga ku jirayo. Balse uma baahnid inaad qabsato balan gooni ah.

 

Sidoo kale Centracare waxay haysaa tiro xadidan oo FluMist Quadrivalent ah  looguna talo galay dhalaanka da’doodu ay u dhaxayso 2-18. Waxaa looga buufinayaa sanka si ay uga difaacdo hargabka taasoo laga bixinayo dhowr goobo oo qaas ah. Bukaanada danaynaya nooca FluMist,la dhaho fadlan wac dhaqtarkaaga inuu hayo

 

Xili kasta oo qaboobaha ayaa waxaa la cusboonaysiiyaa talaalka hargabka si looga hortago virus-yada la ogaaday inay yihiin kuwa ugu badan xiliyadan soo socda. Waxaa taas dheer in difaaca jirka hoos u dhaco mudo kadib, saa awgeed markaad qadato talaalka sanadlaha ah ee hargabka wuxuu kor u qaadaa difaaca jirkaaga. Markaad talaalka qaadato ka dib,qiyaas ahaan  jirkaaga waxay ku qaadanaysaa mudo laba wiig inuu yeesho difaac si uu isaga difaaco viruska keena influenza.

 

 

 

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content