October 17, 2024

Xidig TV

Ogaanshaha ku saabsan isku qaadashada talaalada hargabka, kan caabuqa-19 iyo RSV mar qudha.

 

Dadka qaarkiis, inay mar qudha ay wada qaataan dhammaan tallaalada lagugla taliyey inta badanna loo yaqaano (co-administration) ayaa ah habka ugu sahlan. Warka ugu wanaagsan ee hadda soo baxay ayaa ah in inaad mar qudha wada qaadan kadho talaalada loogu talo galay hargabka, kan caabuqa-19 iyo RSV.

 

Baadhitaano caafimaad oo la sameeyey sedexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu ogaaday in la iksu qaadan kadho talaalka caabuqa-19 iyo kan hargabka mar qudha. Sidoo kale waxaa la sameeyey baadhitaano lagu soo xaqiijeyey in la isku qaadan kadho talaalka hargabka iyo kan cusub ee RSV. In kastoo aanay jidhin xog tijaabo caafimaad oo ku saabsan isku qaadashada sedexdan talaal, hadana CDC waxay wadaa ilaalada badqabka talaalka RVS uu lee yahay ama saamaynta ay lee yihiin dhamaan talaalada oo dhan.

 

 

Ma jidho ugu yaraan waqti aad sugi gadho inta u dhaxaysa qaadashada talaal kasta.

 

Dadka doonaya ama doorbida inay qaataan talaalka dhaqtarkoodu kula taliyo waqtiyo kala duwan sida talaalka hargabka, kan caabuqa-19 iyo RSV, uma baahna inay sugaan waqti qaas ah oo u dhexeeya talaalka qaybtiisa hore iyo qaybta kuxigta.

 

Haduu ku hayo xanuun aad u daran ama dhexdhexaad ah, waa inaad sugtaa intii aad ka bogsanayso. Hadii dhawaanahan kugu dhacay caabuqa-19, waxaad doorbidi kadhaa inaad dib u dhigato qaadashada talaalka mudo illa sedex bilood ah kadib markaad xanuunsato, tasoo ah marka difaaca jidhka uu bilaabo inuu hoos u dhaco.

 

Talaabooyinka  loogu talo galay dadwaynaha

 

  • Haddii aad doorbido inaad isku qaadato talaalka hargabka, kan caabuqa-19, iyo RSV mar qudha ama aad ku qaadato booqashooyin kala duwan, waxaa ugu muhiimsan inad qaadato talaalada dhaqtarkaagu kugula taliyo si aad naftaada uga difaacdo sedexdan cudur ee halista ah ee xiliga qaboobaha
  • Isku day inaad qaadato talaalka hargabka, kan Caabuqa-19 iyo kan RSV mar qudha waayo waxaa suurta gal ah inaadan kusoo laaban dhaqtarkaaga gaar ahaan hadii aad ka mid tahay daka u nugul in cuduradan ku dhacaan.
  • La xidhiidh dhaqtarkaaga hadii aad qabto su’aalo ku saabsan qaadashada talaalka markaad la kulanto ama aad booqato.
  • Waxaad booqataa bogan: gov si aad u hesho meelaha laga qaato talaalka hargabka iyo caabuqa-19
  • Hadii aad uur leedahay ama aad tahay waalid haysta dhalaan, kala hadal dhaqtarkaaga meesha aad ka heli kadho talaalka RVS si aad canugaaga uga difaacdo xanuun daran.
  • Hadii aad jidho 60 sano ama aad ka awayn tahay,fadlan la hadal dhaqtarkaaga hadii aad qaadan kadho talaalka RSV, iyo meesha aad ka qaadan kadho ee u dhow agagaarka gurigaaga.

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content