October 17, 2024

Xidig TV

Cudurka loo yaqaano waraabow ama Congenital syphilis ayaa gaaray tiradii ugu badneyd taasoo waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ay cusboonaysiinayso hab baadhistiisa. 

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa la walaacsan wargalin ku saabsan  kororka cudurka Congenital syphilis oo ah cudur galmada lagu kala qaado, haweenka uurka leh ayaa u gudbin kadha uur kujiifta. Cudurka wuxuu keenaa caqabado faro badan oo ay ka mid tahay in haweenka uurka leh ay dhiciso ama dhasho dhalaan naafo ka ah xididdada maskaxda, indhaha iyo dhagaha.Waxaa la xaqiijiyey 29 oo ay ku jiraan sedex dhalaan ah oo saqiiray sanadkii hore, noqotayna tiradii ugu badnayd ugu yaraan 40-sano. 

Kororkan wuxuu daba socdaa mid ku yimi wadanka oo dhan.  Cudurka waraabow ama Congenital syphilis waa cudur halis u ah dhalaanka una gaysan kadha aafooyin badan, waxaana looga hortagi kadhaa baadhitaan dag-dag ah laguna dawayn kadhaa. Waxay waaxda caafimaadka ee (MDH) ku talisay in dumarka uurka leh laga baadho cudurkan ugu yaraan 3goor inta ay uurka lee yihiin. 

Waaxda caafimaadka (MDH) ayaa la yeelatay wada shaqayn balaadhan goobaha  daryeelka caafimaadka, iyadoo xooga saareysa muhiimada ay leedahay baadhitaan goor hore iyo daaweynta. Cudurkan wuxuu ku dhacaa dhamaan qof walba ama  jinsiyadaha kala duwan oo dhan, wuxuu si gaadh ah u saameeyaa qoomiyadaha ka soo jeeda American Indian/Alaska Native (AI/AN), Black and Latina/Hispanic. Saamaynta gaadhka ah ayaa keentay in bulshooyinkan aysan haysan caymiska caafimaad, shaqo la’aanta, ama haysan goobaha baadhitaanka ka hortaga iyo edeegyada daawaynataba. 

Waxay waaxda caafimaadka ee (MDH)  u doodayaan in la badiyo ka hortaga cudurkan iyagoo la shaqaynaya qaybo kala duwan si ay u xoojiyaan helitaanka baadhitaanka iyo siday kor ugu qaadi lahaayeen wacyi galinta bulshada ay saamaysay. Ugu danbayn waxaad faahfaahin dheeraad ah ka heli kadhaa boga MDH.

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content