October 17, 2024

Xidig TV

Istaraatiijiyadaha ka hortagga ismiidaaminta ee dhaqan ahaan awood u leh soo galootiga cusub ee gobolka Minnesota jooga

Hordhac:
Minnesota, oo lagu yaqaan bulshooyinka soo-galootiga ah ee firfircoon, ayaa wajaheysa caqabad ah in ay hubiso caafimaadka maskaxda ee dadkeeda cusub ee soo galootiga ah. U soo guurista waddan cusub waxaa ku jira walaacyo badan, laga bilaabo is-habaynta dhaqameed iyo caqabadaha afka ilaa ka soo horjeeda go’doominta bulshada iyo caqabadaha dhaqaale.
Qodobadani waxay si weyn saameyn ugu yeelan karaan caafimaadka maskaxda ee soogalootiga waxayna kor u qaadi karaan nuglaanta ay u leeyihiin fikirka iyo habdhaqanka isdilka ah. Si arrintan xasaasiga ah wax looga qabto, waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo istaraatiijiyada cusub oo wanaagsan oo wax loogu qaban karo shaqsyaadka looga shakiyey is-dilka. Nidaamyada la isticmaali karo si dadka is dilaya loo caawiyo iyada oo la tixgalinayo dhaqanka bulshooyinka Cusub ee gobolka waxaana kamid ah

Sameynta barnaamijyo wacyigelin oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo bulshooyinka muhaajiriinta cusub, iyadoo la isticmaalayo agab dhaqameed khuseeya iyo afaf ay bulshadu ku hadasho.
Iyo In la bixiyo siminaaro waxbarasho iyo seminaaro ku saabsan wacyigalinta caafimaadka maskaxda, la qabsiga xirfadaha, iyo habdhaqanka caawimaad raadinta, iyada oo lagu darayo qodobo iyo tusaalooyin dhaqan ahaan ku haboon.
Adeegyada La Heli karo iyo Af ahaan habboon:
Hubi in adeegyada caafimaadka dhimirku ay si fudud ugu sahlan yihiin kuwo lagu heli karo, ayna ku jiraan luqadaha ay inta badan ku hadlaan bulshooyinka dadka dalka u soo guurey.
In la siiyo adeegyo turjubaano ah iyo shaqaalaha labada luuqadoodlaha ah si loo fududeeyo isgaarsiinta loona xoojiyo helitaanka daryeelka caafimaadka maskaxda.
Taageerada dadka isku ayniga ah (peer) iyo Ka Qeyb Galka Bulshada:

Shabakadaha taageerada kor u qaadista asxaabta ee bulshooyinka soo galootiga ah, halkaas oo shakhsiyaadka ay ka wada hadli karaan khibradooda, ay bixiyaan taageero wadajir ah, iyo kor u qaadi karaan u adkaysiga.
Abaabulka munaasabada bulshada, xafladaha dhaqameedyada, iyo kooxaha taageerada si kor loogu qaado midnimada bulshada iyo in la siiyo fursado ay iskula xiriiraan soo galootiga

Waxaynu u baahanaahy bulsho ahaan in aan ka wada shaqayno bad qabka bulshadayna si guud iyo si gaar ba anagoo si feejigan ula soconayna dadka leh ama muujinaya calaamadaha shakiga leh oo aynan ku aqoon sida in ay dar daarmaan ama ay bixiyaan xoolahooda iyaga oo filaya in noloshooda ay gaadhay gabogabo.

Haddii aad u baahantahay taageero lacag la’aan ah oo qarsoodi ah wac si aad uga hortagto isdilka fadlan wac 988 Is-dilka & Xasaradaha Lifeline
Haddii aad u baahantahay caawimaad caafimaad oo degdeg ah wac 911!

About Author

Exit mobile version
Skip to content