October 17, 2024

Xidig TV

Ka fikir xannuunka jadeecada inta aadan safrin iyo kadib marka uu safarka kuu dhamaado.

Ka fikir xannuunka jadeecada inta aadan safrin iyo kadib marka uu safarka kuu dhamaado.

Jadeecada waa cudur aad loo kala qaado oo waxaa la isgugu gudbiyaa hawada. Waxaad ka qaadi kartaa iyada oo qof qaba jadeecada uu aktaada ku qufaco mise uu ku hindhisoodo. Jadeecada waxay si aad ah ugu sii darantahay dadka uu liito ama hooseeyo difaaca jirkooda.

 

Safarkaaga kahor

Kahor inta aadan ka bixin gobalka Minnesota, iska hubi oo iska xaqiij in adiga iyo xubnaha qoyskaaga ay soo qaateen tallaalkaloo yaqaano MMR kaasi oo kaa difaacaayoi jadeecadda, qaamoo-qashiirka iyo jadeecada loo yaqaano rubella.

 

Safarkaaga kadib

Mararka qaar waxaa dhici karto in astaamaha iyo calaamadaha ugu horreeyo ee jadeecada ay u noqdaan kuwo yaryar oo loo maleyni karo xannuunada kale sida hargabka balse waxayba kuugu noqoni kartaa cudur halis ah oo keeni karo in cisbitaalka lagu dhigo ama aad u geeriyootid.

Dad badan oo qabaan jadeecada ayaa waxaa lagu arkaa shuban, infekshonka dhagaha, Liimooniya iyo encephalitis oo ah infekshon ku dhaco maskaxda kaasi oo sababi kara in maskaxdu ay soo gaadho dhaawac aan kasoo kabasho laheyn.

Dhibaatooyinkan aan soo sheegnay ayaa waxay ku badan yihiin carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano iyo dadka ay da’dooda ka weyntahay 20 sano.

Wac cisbitaalkaaga oo qaado talada iyo tusaalaha dhakhtarkaaga haddii aad dhawaan safartay ama aad la kulantay qof qabo jadeeco islamarkaasna leh calaamadaha sida qandho ama xumad heer kulkeedu uu ka sarreeyo 38 degree celcius oo u dhiganta 100.4 fahrenheit. Haddii uu qofkaasi leeyahay qufac, san qulqul mise duuf badan, dhuunta oo xanuuneyso, indhahiisa ay casaan yihiin iyo haddii ay finan kasoo yaacaan jirkiisa.

Dhakhaatiirtaadu waxay u baahan doonaan daryeel gaar ah, si aynan jadeecada ugu faafin dadka kale. Ka hortag jadeecada oo kala hadal bixiyaha adeegga xanaanada caafimaadkaaga tallaalka MMR iyo tallaalada kale ee loo baahan yahay.

About Author

Exit mobile version
Skip to content