Ma ogtahay laga bilaabo Bishan shanaad in isbitalada maraykanka oo dhan aan looga baahnayn ayna joojiyeen inay gudbiyaan xogta ku saabsan dadka laga helo caabuqa-19 ka dib marka baadhitaan isbitaaladu sameeyan. Taasoo lala wadaagi jidhay iyadoo loo marayo Xarunta Xakamaynta Cudurada-faafa ee loo yaqaano CDC. Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysaa in isbitaalada gudbiyaan xogta dadweynaha si ikhtiyar ah. Xaruntan waxay sheegtay in hadii xogta lasoo mariyo Shabakada Badbaadada Daryeelka Caafimaadka Qaranka ee loo yaqaano (NHSN) bisha bilowgeeda, inay bulshada helayaan akbaartan isla bisha tobankeedaba. Hadii aad doonayso faahfaahin dheeraad ah, fadlan booqo bogan: COVID Data Tracker Hospitalizations.
Sidoo kale, isha soo saarta macluumaadka isbitaalada ee laga helo boga raadraaca xogta Caabuqa-19 ayaa sheegay inuu ka badeli doono Shabakada Badbaadada Daryeelka Caafimaadka Qaranka loona yaqaano (National Healthcare Safety Network ) kuna bedeli doono COVID-NET. Halkii ay soo bandhigi jidheen tirooyinka dadka la dhigay cibitaalada cusub, waxay tusin doonaan heerka dadka isbitaalada lala dhigo caabuqa-19 boqolkii kun qofba. Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad ka heli kadhaa COVID-NET Laboratory-confirmed COVID-19 Hospitalizations.
Tusaale:
Emergency Department Visits
% Diagnosed as COVID-19
0.3% (April 28 to May 4, 2024)
Trend in % Emergency Department Visits
-7.6% in most recent week
Mar 16, 2024 May 4, 2024


More Stories
Taysir Quran is a learning app created to help children and beginners build confidence.
Kooshin Abdisalam Diriye Recognized as Interim President of the Somali Basketball Federation, Promises a New Era for Somali Basketball
Episode 1: Community Conerversation; real stories, real voices and real issues.