October 17, 2024

Xidig TV

Ololaha ‘Maqal Iyada’ oo ay MDH bilowday si loo yareeyo dhimashada la xidhiidhta uurka.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH) ayaa bilowday olole la yidhaahdo ‘Maqal iyada’, ololahaan ayaa loogu talo galay in kor loogu qaado wacyi galin ku saabsan dhibaatooyinka uurka iyo dhimadasha ka hortaga leh ee uurka iyagoo si khaas ah u eegaya dumarka uurka leh ee ka soo jeeda qoomiyadaha madowga kuwaasoo si aan qiyaas lahayn u saameeyo uurku.

Qodobada UGU muhiimsan lolohan ayaa kala ah:

  • Ujeedada ololaha ayaa ah in bulsho waynta lagu baraarujiyo calaamadaha wata digniinta deg dega ah kuwasoo keeni kadha dhibaatooyin iyo dhimasho la xidhiidha uurka.
  • Haweenka madowga Minnesota ayaa ka mid ah tirada dhala boqolkiiba 13%, balse waxa lagu qiyaasay in boqokiba 27% ay u dhintaan dhibaatooyin la xidhiidha uurka laga bilaabo sanadkii 2017 ilaa 2019.
  • Ololahan ayaa wuxuu ku dhiiri galinayaa hawl-wadagalayasha, asxaabta, qoyska, bixiyayasha daryeelka caafimaadka iyo bulshooyinka inay dhagaystaan waxna ka qabtaan cabashada welwel ee haweenka uur leh. Qof kasta wuxuu leeyahay door uu ka ciyaaro aqoonsashada iyo  gurmadka waxqabadka ee calaamadaha digiinta.
  • Ololahan ayaa bixiya qalab iyo tababar loogu talo galay bixiyaasha daryeelka caafimaad si ay u maareeyaan xaalada caafimaad daro ee dabadheerada, sida loo aqoonsado calaamadaha digniinta, iyo wax ka qabashada welwelka bukaanada. Tababrkan ayaa ku jira koorsoyin xagga onlinka kuwaas oo lagu qeexayo saamaynta ay leedahay eexashada iyo midab-takoorka qaabdhismeed ee caafimaadka hooyada.
  • Isbitaalada iyo nidaamyada caafimaadka waxaa lagu dhiiri galinayaa inay hagaajiyaan iskuduwida daryeelka caafimaad iyo habaynta maamulka jawaabaha dag daga ah. Hidisahan wuxuu qayb ka yahay dadaalka loogu jiro dhawrista sharafta uurka, ilaalinta xeerka dhalmada iyo iskaashiga xarumaha cilmi baadhista.
  • Waxaa muhiim ah in wax laga qabto go’aamiya-yaasha bulshada oo dhan, sida helitaanka guryaha iyo gawaadhida, iyo inay ka qayb qaataan dadaalka ku hawlan dib u eegista iyo ka hortaga iyadoo loo marayo gudiyada wada shaqaynta.
  • Ololaha maqal iyada, ayaa ah qayb ka mid ah xeelad balaadhan oo ay Xarunta Xakamaynta Cudurada ee (CDC) da wado, kaas oo bilowday bishii afraad, socon doonana ilaa xagaaga. Xarunta ayaa taageerto kor u qaadka ilaalinta iyo dabagalka si loo cirib tidho barnaamijka dhimashada hooyada.

Waaxda caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa shaaca ka qaaday inay xooga saarayso baahida loo qabo waxqabadka midaysan si hoos loo dhigo dhimashada hooyada iyo horumarinta ama kor loo qaado natiijada wanaagsan ee dhamaan caafimaadka haweenka uurka leh, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda bulshooyinka la midab takooro.

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content