March 14, 2026

Xidig TV

Xidig TV

Xageen kaheli Karaa baadhitaanka Caabuqa Covid-19?

Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ayaa ilaa haatan loo baahan yahay marark  ay jirto durufo gaar ah tusaale ahaan hadii uu qofka la kulmo  qof qaba Caabuqa Covid-19  5 maalmood gudahood.

 

Baadhitaanka COVID-19 : Waxyaabaha aan u baanahay in aan ka ogaano?

Xiliga aad is ka baadhaysid Caabuqa-19

  • Hubi in ay tahay waqtiga saxda ah 
  • Dooro Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee kugu haboon 
  • Raac hagida Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee FDA da (Waaxda maamusha cunada iyo daawooyinka ee Dalka Mareykanka )

Xageen iska Baadhi Karaa?

Meel walba : COVID-19 Self-testing( ama Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 ee iskaaga ah)

Ama  la xirir Famashiyaha ama xarumaha Caafimaad ee kugu dhow  si lagaaga Baadho Caabuqa Covid-19ka 

Raadi COVID-19 Community Testing meelaha kugu dow

Maadama aynu dagan nahay Gobolka badhtaamaha Minnesota , Waxaad ka heli kartaa Baadhitaanka Caabuqa Covid-19 hayada CAIRO Xafiiskeeda   Kuyaala Magaalada St Cloud  gaar ahaan Mid town Square mall: maalamaha Isniinta iyo arbacada 9 aroornimo ilaa 5ta galabnimo , Talaadada iyo khamiistana 9 ka aroornimo ilaa 12 duhurnimo. Maalinta Jimcahana waa balan qabsasho. 

Haddii aad mari rabtid qaliin caafimaad , hayada CAIRO oo iskaashi laleh wazaarada Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaad ka heli kartaa adeegan baadhitaanka Covid-19 gaar ahaan midka PCRta ah ee lagu soo ogaado natiijada shaybaar.

Waxaad sidoo kale aad dalban kartaa free at-home rapid test . Qoys walba oo degan gobolka Minnesota waxay xaq u leeyihin in ay helaan ilaa 8 xabo oo ah qalabka la iskaga baadho Caabuqa Covid -19 bil walba adiga oo jooga gurigaaga.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo dalbashad qalabkan la iskaga baadho Caabuqa Covid-19 fadlan wac  MDH COVID-19 Public hotline 1-833-431-2053 inta u dhaxaysa  9 aroornimo ilaa  5 ta galabnimo maalmaha isniinta ,arbacada iyo Jimcaha ama 9 aroornimo ilaa 7 da fiidnimo maalmaha talaadad iyo khamiista.

Fariintan waxaa inoo fududaysay iskaashiga aynu la leenahay wasaarada caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH)

 

Waxa Qoray Abdi Ibrahim,

Magaalada St Cloud 

About Author