October 17, 2024

Xidig TV

Isticmaal Maalinta Feejignaanta Sonkorowga si aad wax uga qabato caafimaadkaaga

Sedex ka mid ah afartii qof ee dagan gobolka Minnesota ayaan ogayn inay
qabaan cudurka macaanka. Ka qayb qaado maalinta sokorta lagu ogaado si aad
caafimaadkaga wax uga qabato.

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota waxay bulshada ku dhiirigalinaysaa sidey
iskaga baadhaan halista cudurka macaanka iyagoo ka jawaabaya todobo su’aal oo
fudud. Sidoo kale waxaad booqataa bogan:Do I Have Prediabetes.org.
Prediabetes ayaa lagu ogaadaa heerarka sokorta dhiiga sareeya, waxayna si weyn u
kordhisa una suurtagalisa inay kugu dhacdo nooca 2aad ee macaanka, xaaladan oo
saameeysa sedexdii qof hal ka mid ah guud ahaan dadka qaan gaarka ah ee ku sugan
Maraykanka, iyadoo ay jiraan qaar badan oo aan ogayn xaaladooda caafimaad.

Maaraynta macaanka waxay leedahay caqabado badan balse waa mid la samayn
kadho adigoo hab nololeedka noloshaada wax ka badalaya sida inad dhaq dhaqaado,
cunada oo aad iska badasho iyo miisaanka oo aad iska dhinto.

Barnaamijka Ka Hortagga cudurka macaanka ayaa u gargaara dadka u qalma.
Qorshaha gobolka Minnesota wuxuu xaqiijiyey dadaal bulshada looga wacyi galinayo b
halista cudurka macaanka, sidii lagula dagaalami lahaa cudurada wadna xanuunka, iyo
kuwa xididada dhiiga istaajiya ee loo yaqaano stokes.

Gobolka Minnesota ayaa muujiyey hindisiyaal hal abuur ah kuwaasoo ay iska
kaashadeen xarunta dadka da’da ah ee Whitney iyo hay’ada soogalootiga qaxootiga ee
CAIRO, si ay u taageeraan ka hortaga cudurka macaanka ku dhaca dadka da’da ah iyo
bulshada soogalootiga ah. Iskaashigan ayaa tusaale u noqday talaabooyinka firfircoon
ee wax looga qabanayo cudurka macaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa natiijada
wanaagsan ee caafimaad.

About Author

Skip to content