October 17, 2024

Xidig TV

XARUN CUSUB OO LAGU BAARO COVID-19 DHANKA CANDHUFTA,OO LAGA FURAY MAGAALADA ST. CLOUD EE GOBOLKA MINNESOTA

Gobolka Minnesota waxa uu ka furi doona magaalada St Cloud arbacada taarikhdu tahay 10/28/2020 goob dadka looga baadho dhanka candhuufta caabuqa COVID-19 . Adeegan oo bilaash ah ayaa u furan dhamaan dadka reer Minnesota ay u bahan in ay is baadhaan
“Baadhitaanku waxa uu qayb libaaxle ka qaadanayaa sidii dadka looga ilaalin lahaa in uu ku dhaco COVID-19” sidaas waxaa yidhi Komishionarka wazaarada caafimaadka ee gobolka.
Baadhitaanka waxa uu ka dhici doonaa River’s Edge Convention Center, at 10 Fourth Ave South in St. Cloud. Waxa ayna furnaanaysa arbacada ilaa axada 12:00 dhuhrnimo ilaa 7 da fidnimo maalmaha la shaqeeyo .Maalmaha aan la shaqayn ee sabtida iyo axada waxay furnaanaysaa 10:00 ka subaxnimo ilaa 4:00 ta galanimo. Balamaha waxaad ka qabsan kartaa Vault Health registration site.

About Author

Exit mobile version
Skip to content