October 17, 2024

Xidig TV

MUHIIMADDA IYO NOOCYADA MAASKARADA WAJIGA

Haddii aad bannaanka aadeyso, xiro maaskarada wajiga marka kasta oo aadan dadka kale ka fogaan karin 6 fiit. Tusaale ahaan, gudaha dukaanka, marsha biyeediga dadka ku badanyihiin ama gaadiidka dadweynaha.

Xirashada maaskarada wajiga waxay caawineysaa inaad ilaaso caafimaadkaaga iyo caafimaadka dadka kaa ag dhow.Gobolka Minnesota waa wajib in lagu laxidho maaskarada meelaha dadku ay iskugu yimaadaan. Tani laakiin ma khusayso caruurta aadka uyar iyo dadka qaba xanuuno ama laxaad la’aan ka hor istaagaysa inay xidhaan waji dabool.Maaskarooyinkga marada ka sameysan MA AHAN kuwa beddeli kara kala fogaanshaha bulsheed:

Guriga joog inta ugu badan oo ugu macquulsan
Dadka kale ka fogoow illaa 6 fiit marka la joogo meelaha dadka ku badanyihiin
Wajigaaga ha taabanin
Dabool markaad qufaceyso ama hindhiseyso
Gacmahaaga dhaq
Haddii aad xannuunsantahay, guriga joog oo ka fogoow dadka kale si aad u ilaaliso

Sidee loo adeegsadaa maaskarada marada ka sameysan

Marka aad xiraneyso maaskaro maro ka sameysan, iska hubi:

Inaad gacmahaaga nadiifiso ka hor inta aadan xiranin, iyo kadib markaad taabato ama aad iska furto
Inaad adeegsato xargaha iyo laastiiga dhegaha si aad u xirato ama iska furto
In afkaaga iyo sankaagaba ay si buuxda udaboolanyihiin
In si wanaagsan ay ula egtahay dhinacyada wajigaaga, oo ayna jirin wax duleelo ah
In aad si wanaagsan uneefsan karto

Maaskarada marada waxay noqon kartaa mid cucun sababta. Gacantaada gudaha ha galinin si aad u taabato sankaaga ama afkaaga.

Dhaq maaskarada kadib markasta oo aad isticmaasho adigoo adeegsanyo saabuun iyo biyo diiran.

Talooyin Naqshadeed

Markastoo ay dunta isku dhowdahay oo maradana tahay mid qaro weyn leh, waa ay ku fiicantahay iney le’ekaato wajigaaga oo ayna kaa ilaaliso caabuqa. Waa ineysan ahayn mid aad qaro weyn uleh, haddii kale waxay noqoneysaa mid aan tayo lahayn.

Marka aad dooraneyso maaskarada wajiga, raadi:

Dun isku dhow, marooyin 100% dun ka sameysan sida go’yaasha sariirta, daahyada, shaatiyaasha la tolay
Ugu yaraan iney tahay 2 maro is dulsaaran
Iska hubi inaad ka neefsan karto
Xarig laastiig ah ama xariga caadiga ee laga xirto
Qeybta birta ah ee la dhaqi karo ee lagu dhax tolay, oo loogu talagalay iney si wanaagsan kuula ekaato (biinka warqadaha lagu dhajiyo oo caag ku daboolan waa mid la isticmaali karo)

About Author

Exit mobile version
Skip to content