October 17, 2024

Xidig TV

Sida aad iskaga ilaalin karto COVID-19 xiliga fasaxa 2020

In kasto oo ay aad u wanaagsan tahay in qoyskaaga iyo dadka asxaabtaada  aad la qaybsatid farxada xiliyada fasaxa hadana waxaa lagama maarmaan ah in aad maanka kuhaysid badbaadadaada naftaada  iyo ta dadka aad jaceshahy.  Sidaas darted ayey muhiim tahay in qof walba uu raaco hagida ay soo jeedisay xarunta xakamaynta cudurada faafa ee magaceeda qalaad uu yahay CDC.

Xarunta xakamaynta cudurada faafa waxay soo jeedinaysa in laga fodaado xafladaha ay dadka badani iskugu imaanayaan gaar ahaan xiliga Christmaska  si loo yareeyo faafida caabuqa COVID-19. Waa muhiim in laxirto waji dabool, ama lakala fogaaado ilaa 6 feet, gacmahana la dhaqdo balse talaabooyinkaas waa muhiim , waxaase aad uga wanaagsan in qofku uusan naftiisa iyo ta dadka uu jacel yahay midna halis galinin.

Xarunta xakamaynta cudurada faafaa waxay sidoo kale kadigaysa safarada haddii ay noqon lahayd dhanka diyaaradaha, gawaarida ama trainka intaba waxaa dadwaynaha looga digaya in ay yareeyaan dhammaan safarda aan ahayn daruuriga maadaama uu sarakac dhanka faafida caabuqa uu kajiro inta badan gobolada dalka maraykanka, isla mar ahaanta aadan ogaan Karin xaalada qofka ku ag fadhiya gobolka uu kayimid. Maahmaah soomaaliyeed ba waxay ahayd “maxaa ku gaadhay waxaa awanaagsan adiga ooynan waxba ku gaadhin”

Haddii ay muhiim kuu tahay in aad lawadaaagto farxada fasaxa chrismaska , dadku waxay ku kulmi karaan dhanka teknolojiyada adiga oo isticmaalaya Khadka zoomka ama skypeka dadku waxay wadaagi karaan farxada iyaga oo aan isku iman

Haddii aad ddonaysid faalo dheeri ah fadlan booqo websiteka CDC da ama wazarada caafimaadka ee gobolkaaaga  si aad u hesho macluumaad dheeri ah.

Cabdi Ibrahim

St Cloud, MN

About Author

Exit mobile version
Skip to content