October 17, 2024

Xidig TV

Qorshaha ku aadan aaska xiliagan lagu guda jiro COVID-19

Aaska waa muhiim marwalaba waxa uuna ka caawiyaa ehelada qofka geeriyooda in ay si wanaagsan u sagootiyaan qofka dhintay iyada oo marka dadku ay isku imaanayaan oo loo ducaynayo, sadaqo loo bixinayo isla mar ahaantaa lagu tukanayo janaazada, balse ogsonow xiligan lagu guda jiro caabuqa Covid-19 , mar walba oo ay dad badani isku imaadaan waxaa kor u kacaya fursada uu kufidayo caabuqa Covid-19. Waxaa dhab ah in ay adag tahay in la wada xidho waji daboolka  ama loo kala fogaado sida ay sheegaty xarunta xakamaynta cudurada faafa ee CDCda oo ah in la isku jirsado ilaa 6 feet. Waxaa jiray in caabuqa COVID-19 uu ka dilaacay qaar kamid ah xaflada aas oo ay dad badani iskugu imaadeen .

Sidaas daradeed qof walba waxay massuliyad kasaaran tahay sida uu uyareyn lahaa faafida caabuqa Covid -19 waana in wax laga badali sida dadka loo aasayo xiligan lagu guda jiro caabuqa Covid-19

Hadaba haddii marka la samaynayo aaska la isku imaanayo waxaa muhiim ah in laraaco qodobadan hoos ku xusan

  1. Qof walba o oleh calaamadaha caabuqa Covid-19 haddii ay noqon lahayd qufac, qandho ama neefta oo dhibta qofka waa in uu jooga gurigiisa.
  2. Dhamaan daka imanaya aaska waa in ay isku jirsdaan ilaa 6 feet
  3. , xirtaan waji dabool,
  4. waa in aan cunto lagu qaybin goobta aadka
  5. waxaa kaloo muhiim in marwalba la kobo tirade dadka imaanaya oo ay noqdaan qoyska , asxaabta iyo marti kooban oo lacasuumay
  6. waxaa kaloo muhiim in dadka lakala horo si loo ilaalaiyo in ay isku jiraan 6 feet.

Muhiimada waxay tahay in aaska la samaeeyo , lana shafo qofka geeriyooday balse aynan isku badalin goob dadki imaaday oo dhan ay ka qaadan caabuqa Covid-19, maxaa yeelay caafimaadka dad waynaha waa muhiim.

Cabdi Ibrahim

St Cloud, MN

About Author

Exit mobile version
Skip to content