October 17, 2024

Xidig TV

Hagida fayraska sida Caabuqa-19, kan hargabka

Illustration of a blue molecules virus graduated set on isolated dark background done in retro style.

COVID-19 Guidance Updates
Xarunta u qaabilsan ka horataga iyo xakamaynta cudurada ee CDC aya dhawaan
waxay dib u cusboonaysiisyey hagida fayraska sida Caabuqa-19, kan hargabka (flue),
iyo kan keena (RSV) kuwaas oo saamayn kadha sanka, cunaha iyo sambabada.
Xarunta CDC-da ayaa dadka kula talisay inay raacaan shan talaabo oo looga hortagayo
cudurada oo loo yaqaan (Core Prevention Strategies) iyo sedex talaabo oo dheraad ah
(Additional Prevention Strategies) si looga hortago fayraska neef mareenka.
Si aad u hesho faahfaahin dheerad ah, riix bogan: COVID-19: Protect Yourself & Other
and CDC: Prevention.

Talaal Qiyaas dheeri ah
Talaalka caabuqa-19 ayaa logula taliyey in la siiyo dhamaan dadka oo dhan ugu
yaraan lix bilood iyo wixii ka wayn, mase ogtahay in dadka qaar ay u baahan yihiin
qiyaas dheeri ah?
Dadka difaaca jidhkoodu dhexdhexaad yahay ama uu hoos u dhacsan yahay waxaa
lagula talinayaa inay qaataan talaal qayb dheeraad ah oo lasoo cunboonaysiiyey 2023-
2024 ka dib markay kasoo wareegato mudo laba bilood ama ka badan waqtigii ugu
danbeeyey ee la talaalay waana inay la hadlaan daryeel bixiyaha caafimaadkooda.
Dadka da’dooda ay tahay 65 jidh ama ka wayn ee qaatay hal qayb oo ka mid ah
qaybaha talaalka Caabuqa-19 ee la cusboonaysiiyey 2023-2024 sida (Mooderna, Fizer
ama Nofafakis) waxaa lagula talinayaa inay qaataan hal qayb oo dheeraad ah ugu
yaraan afar bilood ka dib markay ka soo wareegato qaybtii hore.
Riix halkan faahfaahin buuxda: About COVID-19 Vaccine

About Author

Exit mobile version
Skip to content