October 17, 2024

Xidig TV

Hindiso balaadhan oo lagu taagerayo caruurta waalidkoda xabsiga ku xidhan

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota (MDH) iyo Jaamacada Minnesota ayaa balaadhiyey barnaamij loogu talo galay in lagu taageero walidiinta dhalay caruurta ku xidhan degmooyinka kala duwan ee ku nool gobolka Minnesota.

Iyadoo la kordhinayo maalgalinta iyo iskaashiga barnaamjikan ayaa kobcay si loogu daro jeelasha dagmooyin badan xoogana saaraya fududaynta booqashada, bixinta waxbarashada ee waalidnimo iyo kobcinta iskaashiga bulshada si loo yareeyo dhibaatada ay caruurta kala kulmaan waalidka la xidho.

 

Kobacan ayaa ku beegan fursad bil labaad ah kaasoo muujinaya dadaalada guusha leh ee lagu caawinayo dib-ugu celinta bulshada kadib markay xabsiga ka baxaan. Xidhitaanka waalidka wuxxu saameeyaa caafimaadka caruurta balse inay xiriirkooda joogteeyaan waqtiga ay xidhan yihiin wuxuu yareenayaa saamaynta badan

Barnaamijkan oo bilowday 2019 kii ayaa arkay horumar la taaban karo, inkastoo caabuqa-19 lagala kulmay masiibo. Qodobada ugu muhiimsan ee horumarkan ayaa ka mid ah booqashada waalidka iyo caruurta oo kordhay, waxbarashada waalidka oo la xoojiyey,  iyo xarumaha xabsiga oo wax ka badalay hab la dhaqanka qoyska.

Hindisihan ayaa aqoonsaday muhiimada ay leedahay in la taageero qoysaska uu xabsigu saameeyey, isla markaana garwaaqsaday saamaynta guud ee xabsigu u gaysan karo caruurta. Waxaad macluumaad dheeraad ah ka heli kadhaa boga waaxda caafimaadka ee gobola innesota kasoo loogutalo galay dadka danaynaya inay wax badan ogaadaan ama helaan taageero.

 

 

 

 

About Author

Exit mobile version
Skip to content