October 17, 2024

Xidig TV

Isbadbaadi xiliga xaflada madaxbanaanida MaraykankaL: July 4th

Isbadbaadi xiliga xaflada madaxbanaanida Maraykanka

July 4th waa maalin ku qaaliya shacbiga dalkan Maraykanka. Waa maalintii ay ka xoroobeen Boqortooya ingiriiska ayna noqdeen dal madax banaan. Waa maalin waqti lala qaato asxaabta iyo qoyskaaga. Waa suuro gal inaad xaflado aad ka qayb gasho noloshaadii caadiga ahayd na aad jeclaysato inaad ku noqoto xiligan dabaal daga xoriyada maraykanka. Lakin waxa muhiim ah hadaynu nahay reer Minnesota inaynu is ilaalino manta oo kale si aynu nafteena iyo shacabkeenaba uuga badbaadino khatarta caabuqa covid-19. Kolkaa waxa muhiim ah in

  • Aad la dabaaldagto dadka aqalka kula dagan ama xafladaha aad kaga qayb gashid online si aad waqti uula qaadatid saaxiibadaa iyo qoyskaaga kaa durugsan.
  • Hadii aad ka qayb gasho xaflada dabaaldaga xoriyada, fadlan isku daya inaad yaraysaan dadka ka soo qayb galaya. Banaanka ku dhigta xaflada. Ku dadaala inaad kala durugtaan iyo inaad xidhataan waji daboolka.

Imika waxay u muuqataa in caabuqa covid-19 uu ku fidayo dhalinyarta da’ doodu tahay 20 jir. Hadii aad tagto hudheel iyo meelaha lagu kulmo, ku dadaala inaad kala durugtaan, wajigana aad daboolataan iyo inaad isticmaasho gacmo nadiifiye (hand sanitizer).  Waa muhiim inaan raacno talooyinka iyo tilmaaha wasaarada caafimaadka ee gobolkan Minnesota.

About Author

Exit mobile version
Skip to content