October 17, 2024

Xidig TV

WARGALINTA BULSHADA EE COVID-19

Wazaarada caafimaadka ee gobolka Minnesota waxay dadka  kuboorinaysa in ay qaadaan talaaba walba oo lagu yareynayo faafida COVID-19 si loo ilaaliyo badqabka bulshooyinkeena. Fadlan Joogtee talaabooyinkan maadaama uu kor ukac ku yimid faafida COVID -19 guud ahaan dalka mareykanka.

  1. Mar walba Gacmahaaga kudhaqo saabuun
  2. Iska baar caabuqa COVID-19 haddii aad isku aragto astaamaha qaar ee COVID-19
  3. Marwalba u jirso ilaa 6 feet dadka kale
  4. Xiro mask ama waji daboolka marwalba oo aad banaanka u baxdo
  5. Gurigaaga jog marka ay kuu suurto gasho
  6. Gurigaaga kashaqee haddii shaqaaleeyahaaga uu kuu ogol yahay.

Akhristayaal  haatana waxaa lasoo rogay  in dhammaan dadku ay xirtaan maaski  ama waji dabool cidba sida ay u taqaano ee gobolka Minnesota taas oo qayb libaaxle ka qaadaynsa hoos u dhiga faafida COVID-19 .

Waad ku mahadsan tahay in aad qaybtaada kaqaadato sidii looga shaqayn lahaa badbaadada guud ee dadka reer Minnesota. Marwalba waxaa dadka lagu boorinayaa in ay iska baadhaan COVID-19  si ay isku karantiilaan hadii uu kudhaco COVID-19 oo ay uga  badbaadiyaan saaxiibadooda iyo qoysaskooda in uu kudhaco  Caabuqan.

Haddii aad dadkaaga jeceshahay sida waalidkaaga, asxaabtaada , caruurtaada iyo deriskaaga fadlan xiro maaskiga si intaaba ay  u dareemaan kalsooni iyo deganaansho

waxaa qoray Abdi Ibrahim

St Cloud MN

About Author

Exit mobile version
Skip to content